Wasiir Yuusuf Garaad oo Danjiraha Ethiopia ka guddoomay Waraqihii Aqoonsiga.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee XFS, Yuusuf Garaad Cumar Axmed waxa uu maanta Xafiiskiisa ku qaabilsay Danjiraha Ethjiopia u jooga Somalia, Jamaaludiin Mustafa Cumar oo uu ka guddoomay Waraaqihiisa Aqoonsig Danjirenimo ee ay Dowladda Ethiopia ugu so omagacowday xilkaasi.

Wasiirka iyo Danjiraha waxy isweydaarsadeen hadalo kooban oo ku and sii xoojinta Xiriirka labda Waddan ee deriska ah, wxayna si gaar ah iskula soo qaadeen Qoddobo ay ka mid yihiin Deeqaha Waxbarasho oo ay Dowladda Ethiopia siiyan Ardayda Soomaaliyeed.

Qoraal uu Wasiir Yuusuf Garaad so odhigay Bartiisa Facebook ayuu ku sheegay inay Danjiraha ku wada hadleen Afka Soomaaliga.

Kulankaasi waxaa goobjoog ka ahaa Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda,, Agaasimaha Guud ee Habmaamuuska iyo Agaasimaha Waaxda Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media