Wasiir Yariisow oo cisbitaalka ku booqday Agaasime Bahlawi

wasiirka Warfaafinta dawladda Soomaaliya Eng C/raxman Cumar Cusmaan (Yarisow ) oo ay wehliyaan agaasimayaal ka tirsan wasaarada Warfaafinta iyo suxufiyiin aya cisbitaalka Madiina ku booqday agaasimihi hore ee wasaarada Warfaafinta C/risaaq Bahlawi oo xalay ku dhaawacmay qarax lo dhigay gaarigiisa.

Wasiirka oo suxufiiyinta kula hadlay cisbitaalka ayaa sheegay in ay aad uga xunyihiin wasaarad ahaan dhaawaca Bawlahi waxuuna cambaareeyey weerarka ay kooxda Shabab. Ku dhaawaceena Bahlawi .

Kooxda Shabab ayaa sheegatay weerarkaas .

Bahlawi ayaa shaqada Agaasimanimada laga qaaday 2 bil ka Hor

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor