Wasiir Yariisow” Dhaqanka iyo Dalxiiska waxay qeyb weyn ka qaataan Nabada iyo Xasiloonida”

Waxaa maanta magaalada Masqad ee dalka Cumaan ka furmay shirka caalamiga ah ee Dhaqanka iyo Dalxiiska,kaasi oo mudada labada maalin ee uu soconayo diirada lagu saarayo horumarinta iyo joogteynta Dhaqanka iyo Dalxiiska Aduunka.

Shirka oo ay soo qaban qaabiysay Hay’adda Dalxiiska Adduunka ee Qaramada Midoobey (UNWTO) iyo UNESCO ayaa waxaa Soomaaliya uga qeyb galaya Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Eng, C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow oo uu wehliyo Cumaan Yasir Baffo oo ah La Taliyaha Wasiirka ee dhanka Dalxiiska.

shirka oo goordhow furmay ayaa waxaa khudbad ka jeediyay Wasiirada dalalka lagu casuumay shirka,kuwaasi oo dhamaantood soo bandhigay siday muhiim u tahay in la horumariyo Dhaqanka iyo dalxiiska oo qeyb ka qaata horumarka dal kasta oo caalamka ka tirsan.

Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya Eng, C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow oo hadal ka jeediyay shirka ayaa ku dheeraaday muhiimadda dhaqanka iyo dalxiiska u leeyahay Soomaaliya.

Wuxuu sheegay Wasiir Yariisow in Soomaaliya oo ku taalo Geeska Africa ay muhiim u tahay soo nooleynta dhaqanka iyo Dalxiiska,wuxuuna dhanka kale tilmaamay in dalkeena Soomaaliya uu leeyahay goobo caan ah oo dalxiiska ku wanaagsan iyo Jaziirado.

Sidoo kale,Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa hoosta ka xariiqay in horumarinta iyo joogteynta dhaqanka iyo Dalxiiska qeyb ka qaadan karto nabada iyo xasiloonida dalka.

Shirka oo mudo labo maalin ah soconayo ayaa la filayaa in laga soo saaro war murtiyeed ku jaan go’an sida la isaga kaashan karo horumarinta iyo kor u qaadista dhaqanka iyo dalxiiska caalamka.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media