Wasiir Maareeye oo fariin u diray Ganacsatada Soomaaliyeed

Kulan  ujeedkiisu ahaa  sidii loo horumarin lahaa wax soo saarka ganacsiga Soomaaliya iyo sidii suuqyo cusub loogu furli lahaa wax soo saarka beeraha Xoolaha iyo kallunka ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho,kaasi oo ay so qaban qaabisay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Waxaa ka qeybgalay kulankaasi Wasiirada Ganacsiga iyo warshadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowlada Goboleedyada,iyo madaxda Rugaha Ganacsiga Soomaaliya iyo kuwa maamul Goboleedyada,iyadoo intii uu kulankaasi socday siweyn loogu gurfeeyey sidii loo heli lahaa fursado sahlayo in badeecada Dalka ay hesho suuqyo Caalami ah loona dhoofin lahaa.

Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya oo ka hadlay furitaanka kulankaasi ayaa sheegay in  looga baahanyahay Ganacsatada in marka hore ay bixiyaan canshuuraha dalka,taasi oo keeni karta in uu yimaado horumar  dhanka ganacsiga ah,isagoo xusay in ka wasaarada ahaan ay qaadanayaan dowrkoodi ku aadan sidii dalka loo gaarsiin lahaa horumar dhinacyo badan leh oo ganacsiga ah.

Sido kale waxaa halkaasi ka hadlaya Wasiiradii ganacsiga Dowlad Goboleedyada,Jubbaland,Fariid Jaamaca Suleymaan,K/Galbeed Warsame Dhoofane Dhaqane,Hirshabeele,Yaxye Ismaaciil Maxamed,Galmudug Cabdiladhiif C/llaahi Warsame,kuwaasi oo sheegay in ay soo dhaweynayaan qorshayaasha lagu horumarinayo ganacsiga Soomaaliya,iyagoo dhanka kale soo bandhigay aqabadaha horyaala dhinaca ganacsiga Dalka oo ay kamid yihiin in ganacsatadu ay ogaadaan in mas’uuliyad weyn ay ka saran tahay bulshadooda.

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa wadad dadaalo lagu horumarinayo Ganacsiga Dalka,si loola jaanqaado dunida inteedi kale,iyadoo ay raadinayso fursado dalka lagu maalgashan karo,sida uu sheegay Wasiirka Wasaaraddaasi.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media