Wasiir ka tirsanaa Xukuumadda Federalka oo xilka la qaaday iyo Wasiir Cusub oo la magacaabay.

Ra’isul-wasaaraha Xukuumadda Federalka Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa soo saaray Wareegto xilka looga qaaday Wasiirkii Bostadda iyo Isgaarsiinta, Guuleed Xasan Qaasim.

Wareegtadda ka soo baxday Xafiiska Ra’isul-wasaaraha ayaa lagu sheegay in Maxamed Jaamac Mursal loo magacaabay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Boostadda iyo Isgaarsiinta ee Xukuumadda Federalka.

Wasiirka cusub waxa uu horey u ahaan jirey La-taliyaha Khaaska ee Madaxweynaha Maamulka Jubbaland, Axmed Madoobe, waana Siyaasi xiriir wanaagsan la leh Dowladda Ethiopia, lana filayo inuu hagaajiyo Xiriirka labada Waddan.

Labo isbuuc ka hor ayey ahayd, markii ay Idaacadda Dalsan iyo Shabakada la mataanaysan ee radiodalsan.com lagu shaaciyey in Maxamed Jaamac Mursal oo ahaa La-taliyaha Khaaska ee Axmed Madoobe xil Wasiir ka qaban doono Xukuumadda Federalka, si uu u hagaajiyo Xiriirka Dowladda Federalka la leedahay Dowladda Ethiopia, oo wayadan dambe u muuqday mid aan wanaagsanayn.

Si kastaba ha ahaatee, ma cadda inuu Wasiirka cusub ku guuleysan doono inuu isku soo dhaweeyo Labada Dowladood ee Somalia iyo Ethiopia, iyadoo Dowladda Ethiopia halkii ay toos ah ula xiriiri lahayd Dowladda Federalka ka door biday inay xiriir dhow iyo macaamiltan la yeeshaan Maamul-gobaleedyadda Puntland iyo Jubbaland iyo Maamulka Somalilan ee W/galbeed Somalia.

©Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor