Magaalada Muqdisho waxaa Maanta kulan ku leh Xubnaha Xildhibaanada Aqalka Sare ,waxaana hortegi doona Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya.
Maxamed Cabdullaahi Salaad ayaa qorshuhu yahay in Xildhibaanada Aqalka Sare ay wax ka weeydiiyaan amniga Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde oo maalmahaan la sheegayay in uu jiro qalqal dhanka Amniga ah.
Sidoo kale waxa ay wax ka weeydiin doonaan sababta keentay in Garoonka shaqaalaha qaar la dhimo iyo waxa xiligaan ku soo beegay.
Ammaanka Xarunta Aqalka Sare ayaa aad loo adkeeyay, waxaana lagu arkayaa Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya kuwaas oo Amniga aad u xaqiijinaya.
Saacadaha nasoo aadan ayuuna furmi doonaa kulanka iyada oo haatan Xubnaha Aqalka Sare ay ku jiraan diyaar garowgii u dambeeyay.
Sikastaba Maalmihii la soo dhaafay ayaa Warbaahinta qaarkood waxa ay baahinayeen in uu jiro qalqal dhanka amniga ah,waxaana sidoo kale jirtay in Xarunta Ciidanka AMISOM ee Xalane dadka laga mamnuucay mudo Afar Maalmood ah.