Wasiir ka tirsan Xukuumadda oo Maanta hortagaya Xildhibaanada Golaha Shacabka

Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya   ayaa  Isniinta Maanta ah waxa ay xaruntooda Golaha Shacabka ku leeyihiin   kalfadhiga 3-aad kulankiisa 11-aad.

Kulanka Maanta oo uu shir guddoomin doono guddoomiyaha golaha Shacabka Maxamed Mursal Sh.Cabdiraxmaan,waxaana hortagaya xildhibaanada oo ay su’aalo weeydiin doonaan Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiir Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan oo ay maalin kahor dalbadeen Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa waxa ay waxka weeydiin doonaan xaalada Waxbarasho ee dalka iyo sida ay Wasaaradu u maareyso deeqaha ay ka heshio dowladaha taageera Soomaaliya.

Wasiirka ayaa halkaasi khudbad ka jeedin doona,isaga oo su’aalaha uu xildhibaanada uga jawaabi doono.

Ciidamo boolis ah ayaa sida caadada aheyd xarunta Golaha Shacabka kuwaas oo amniga xaqiijinaha.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor