Wasiir ka tirsan Xukuumadda Federalka oo sheegay inay saboolnimadda iyo Waxbarasho la’aanta kordhisay Xag-jirnimadda ka jirta Somalia

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibedda iyo Maalgashiga ee Xukuumadda Federalka Somalia, Dr. Khaalid Cali Cumar ayaa hadalkaasi ka sheegay Shirka Dowladaha Afrika iyo Asia uga socda caasimadda dalka Indonesia ee Jakarta, wuxuuna xusay inay dhallinyarro badan oo Somali ah u dagaalamaan Xarakadda Alshabaab.

Wuxuuna intaasi ku daray Dhallinyarada aan  haysanin waxbarasho iyo shaqo inay aad u jecel yihiin inay ku biiraan qalalaasaha, waa sida uu hadalka u yiri.

Dhinaca kale,  Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee dalalka Afrika iyo kuwa Asia ayaa isku raacay inay iska kaashadaan La-dagaalanka Kooxaha loogu yeero Argagixisadda iyo kuwa ka ganacsada Daroogadda.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Indonesia, Retno Marsudi oo ka hadlay Shirka 60-aad ee Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee Dalalka Afrika iyo Asia  uga socdo caasimadda dalka Indonesia ee Jakarta ayaa sheegay inay muhiim tahay in la xoojiyo iskaashiga dalalkaasi, si looga hortago dembiyadda qaaradaha isaga kala gudbayo.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Iiraan, Ibraahim Raxiimbur ayaa sheegay inay Argagixisadda iyo Xag-jirnimadda sii socoto dhibaataynayso Deganaanshaha Caalamka.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor