Wasiir ka tirsan Maamulka Puntland oo geeriyooday

Magaalada Muqdisho waxaa ku geeriyooday Wasiirkii Beeraha iyo Waraabka Maamul goboleedka Puntland sida ay xaqiijiyeen Masuuliyiin ka tirsan Maamulkas.

Allaha u Naxariistee Wasiir Cabdinuur Cilmi Qaaje (Biindhe). Ayaa maalmihii u dambeysay ku xanuunsanayay Magaalada Muqdisho,isga oo la sheegay in uu ku dhacay cudurka Sonkorta( Macaanka).

Cabdinuur Cilmi Qaaje (Biindhe). Ayaa sidoo kale waxa uu mar soo noqday Wasiirka Kaluumeysiga Puntland, sidoo kale  Madaxweynaha Maamulka Khaatuma.

Sidoo kale waxa uu nasiib u yeeshay in uu kas oo dhex muuqdo Wasiiradii uu Magacaabay madaxweynaha Maamulka puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas Bishii August ee sannadkii hore isaga oo noqday Wasiirkii Beeraha iyo Waraabka Maamul goboleedka Puntland.

Masuuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Puntland ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Wasiirkii Beeraha iyo Waraabka Maamul goboleedka Puntland Cabdinuur Cilmi Qaaje (Biindhe).

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media