Wasiir ka tirsan dalka Afganistan oo baxsaday iyo sababta keentay

Wasiirkii Maaliyada ee Xil-gaarsiinta ee Afganistan, Khaalid Payenda  ayaa la sheegay inuu iska casilay xilkaasi, kadib, markii uu cadaadis kala kulmay Madaxtooyada dalkaasi

Ilo-wareedyo ayaa u sheegay Telefishinka TOLO NEWS inuu Wasiirka Is-casilay ka cararay dalka, isagoo sheegay inuusan jeclayn inuu Afganistan dib ugu soo laabto.

Qoraal ay Wasaaradda Maaliyada ee dalkaasi soo saartay ayaa lagu sheegay inuu Wasiirku u ambabaxay booqasho rasmi, balse, lama sheegin dalka uu booqan doono.

Dhinaca kale, Qoraal uu Wasiir Khalid Payenda soo dhigay Bartiisa Twitter-ka waxa uu ku sheegay inay sharaf weyn u tahay Noloshiisa  xilkaasi uu hayey, balse, haatan la gaaray xilligii uu muhiimadda siin lahaa Danihiisa Shaqsiyadeed.

Waxa uu intaasi ku daray in Xilka ku wareejiyey Ku-xigeenkiisa Arrimaha Dakhliga iyo Canshuuraha oo lagu magacaabo Alem Shaah Ibraahimi, kaasi oo xilka sii hayn doono inta Wasiir Cusub laga soo magacaabayo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor