Wasiir ka goostay Maamulka K/galbeed oo Madaxweyne looga doortay Bakool.

Khilaaf Siyaasadeed qorsheysan ayaa waxa uu haatan ka ololayaa Goballadda hoos-taga Maamul-gobaleedka K/Galbeed Somalia, kadib, markii ay Xildhibaano ka tirsan Barlamaanka iyo Siyaasiyiin kale Maamul cusub kaga dhawaaqeen Gobalka Bakool.

Axmed Sheekh Maxamed LaxosMashruucXildhibaan Axmed Sheekh Maxamed Laxos”Mashruuc” oo horey isaga casilay Xilkii Wasiirnimo ee uu ka hayey Maamulka K/Galbeed Somalia ayaa loo doortay Madaxweynaha cusub ee Maamul la magac baxay Bakool Sare.

Qaar ka mid ah Guddiga Doorashadda ee Maamulkaasi ayaa sheegay inay muddo 90-cisho shir ku lahaayeen Degmadda Ceel-berde ee Waqooyiga Gobalka Bakool, si ay u dhistaan Maamul ka madax bannaan Maamulka K/galbeed ee ka taliya Goballadda Sh/hoose, Bay iyo Bakool.

Madaxweyne-ku-xigeenka Maamulkaasi, ayaa loo magacaabay nin lagu magacaabo C/llaahi Nirig, waxaana uu Maamulkaasi xukumaa saddexda Degmo ee Yeed, Ceel-berde iyo Aato.

Dhinaca kale, Maamul-gobaleedka K/galbeed Somalia ayaa gaashaanka ku dhuftay Magacaabistaasi, waxayna sheegeen in Fowdo Siyaasadeed looga dan leeyahay waxa loogu yeeray Maamul-ku-sheeg.

bakol sare

©Radio Dalsan

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor