Wasiir Jamaal oo soo gaba gabeeyay Socdaal uu ku marayey Goboladda Sool iyo Sanaag

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo horumarinta maal gashiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa maanta soo gaba-gabeeyey Booqasho Afar maalin qaadatay oo uu ku marayey  qeybo kamid ah Deegaanada Goboladda Sool iyo Sanaag,  waxaana uu booqashadiisa kusoo gaba-gabeeyey degmadda dhahar, halkaasi oo uu kula kulmay qeybaha kala duwan ee bulshadda oo kusoo dhowayey duleedka Magaaladda, wasiirka ayaana warbixino ka hadlaya baahiyaha iyo nabad geliyada ka dhagaystay dadka deegaanka.

Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta Maal gashiga Dowladda Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan oo lahadlayey bulshaddii degmadda dhahar kusoo dhoweysay, ayaa  waxa uu shegay in dowladda federaalka  Soomaaliya uu ugudbin doono natiijada socdalkiisa.

Mudane Jamaal Maxamed Xasan oo la hadlay Wakaalada Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee  SONNA ayaa sheegay in ay u kuur galayaan xaaladda Nololeed ee ku sugan yihiin dadka  ku nool deegaano iyo Tuulooyin ka tirsan Sool iyo Sanaag, amniga iyo hormarka ka jira.

Wasiirka oo socdaalkiisa soo gabagabye, ayaa kormeeray  garoonka diyaaraddaha  Magaalada Garoowe oo dhismihiisu gabagabo yahay,  waxaana uu kula  kulmay Madaxweynihii hore ee Puntland Mudane Cabdiraxman Faroole  oo hadda ah Senatar ka tirsan Aqalka sare ee Soomaaliya.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media