Wasiir Hadliye oo sheegay inay Alshabaab qorsheynayaan weeraro ka geystaan bartilmaameedyo ku yaalla Somalia iyo Kenya

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Maalgashiga ee Xukuumadda Federalka Somalia, Abdisalan Omar Hadliye oo la hadlayey Qeybta Afka Englishka ee Idaacadda Codka Maraykanka ee VOA ayaa sheegay inay Dagaalamayaasha Alshabaab baadi-goobayaan bartilmaameedyo jilicsan oo ku yaalla gudaha daalalka Somalia iyo Kenya.

Waxa uu farta ku fiiqay inay Alshabaab qorsheynayaan weeraro ay ka geystaan Hoteelladda iyo Jamaacadaha, oo uu xusay inay adag tahay sidii loo difaaci lahaa goobaha bulshadda u furan, waa sida uu hadalka u yiri.

“Weeraradda noocaasi waxay keeni karaa inay khasaaraha ugu badan soo gaaraan Bulshadda” ayuu yiri Wasiirka, oo intaasi ku daray inay Alshabaab doonayaan inay si fudud ku geystaan khasaaro, waa sida u uhadalka u yiri.

Dhinaca kale, Wasiirka waxa uu Wareysigiisa kaga hadlay derbiga ay Dowladda Kenya ka hirgelinayso xuduudka ay Somalia la wadaagaan, wuxuuna sheegay inaysan walaac ku haynin dhismaha gidaarkaasi.

“Dal kasta waa uu samayn karaa waxa uu doonayo, laakiinse waxaa isweydiin mudan derbi noocaasi ah ma lagu xalin karaa mashaakilka dhinaca Amniga” ayuu yiri Wasiirka.

Waxa uu intaasi ku daray inay jiraan Kooxo ku sugan Gobalka oo doonaya inay kala qeybiyaan Somalia iyo Kenya, wuxuuna carrabka ku hduftay inay jiraan Rajooyin badan iyo Xiriir Wanaagsan oo la dhisi karo, inta laga shaqeyn lahaa Kala-qeybinta labada dal.

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Maalgashiga ee Xukuumadda Federalka, waxa uu tilmaamay inay dadka  Soomaalida rumeysan yihiin inuu Xuduudka u furnaado ganacsiga, dhaqdhaqaaqa dadka iyo wadaagista Dhaqanka iyo Waxbarashadda labada dhinac.

Mar wax laga weydiiyey inay Ciiddanka Dowladda awood u leeyihiin inay Alshabaab ka saaraan dalka, waxa uu tilmaamay inay Ciiddanka Somalia haatan awood u leeyihiin inay Alshabaab u itaal sheegtaan, waa sida uu hadalka u yiri.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor