Wasiir Hadliye oo ka qeyb galayo Shirka aan Caadiga ahayn ee  Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee Ururka Jaamacadda Carabta.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Xukuumadda Federalka, C/salaam Cumar Hadliye ayaa gaaray magaallo-madaxda dalka Masar ee Qaahira.

Wasiirka waxa uu ka qeyb geli doonaan Shirka Degdegga ee Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee Dowladaha ku jira Ururka Jaamacadda Carabta goor dhow uga furmi doona Xarunta Dhexe ee Ururkaasi oo ku taalla Qaahira.

Kulankaasi ayaa looga  wada hadli doonaa Falkii ay Iiraaniyiinta ku weerareen, kuna gubeen Dhismaha Safaaradda Sacuudiga ku leedahay caasimadda dalkaasi ee Tehraan iyo Qunsuliyaddii ay ku lahaayeen magaalladda Mash-had ee dalka Iiraan.

Kulanka ayaa looga dan leeyahay in Dowladda Sacuudiga loogu muujiyo Taageero Diplomaasiyadeed, laguna ayidsan yihiin Go’aankii ay ku gaartay inay Dowladda Iiraan u jaraan Xiriirka Diplomaasiyadeed.

Dowladaha Somalia, Jabuuti, Sudan, Baxrayn, Qatar iyo kuwo kale ayaa xiriirkii Diplomaasiyadeed u jaray Dowladda Iiraan.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor