Wasiir Hadliye: “Iiraan oo keliya kama soo horjeedno, balse Dowlad kasta oo fargelin ku haysa Dowlad kale”.

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Maalgashiga ee Xukuumadda Federalka, C/salaam Hadliye Cumar ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi Khaas ah oo maanta lagu soo daabacay Wargeyska Arba News ee ka soo baxa dalka Sacuudiga, wuxuuna ilmaamay inaysan ka soo horjeedin Dowladda Iiraan, balse ay ka soo horjeedaan dhamaan Rejiin kasta ee faragelin ku haya Arrimaha Waddamada kel.

“Annaga waxaan ka soo horjeednaa Iiraan, gaar ahaan iyo Dowladaha kale ee si toos ah ama si dadban u taageera Kooxada Xag-jirka, waana taasi sababta ugu weyn ee ay Somalia xiriirka ugu jartay Iiraan” ayuu yiri Wasiirka oo ku sugan dalka Sacuudiga, kana qeyb galay Shirkii Degdegga ahaa ee ay Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee Dowladaha Islaamka ku yeesheen magaalladda Jeddah.

Wasiir Hadliye waxa uu Wareysigiisa uga mahadceliyey Dowladda Sacuudiga oo uu tilmaamay inay taageerto Somalia oo Dhibane u ah Kooxaha loogu yeero Argagixisadda, waa sida uu hadalka u dhigay.

“Somalia waxay muddo dheer  la daalla-dhacaysay dhibaatooyinka Argagixisadda. Si kasta ha ahaato, Sacuudig oo ah dal aynu walaalo nahay ayaa inaga taageera La-dagaalanka kuwa dadka argagixiya” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Maalgashiga ee Xukuumadda Federalka Somalia.

Waxa uu intaasi ku daray inay Dowladda Sacuudiga hayinka u hayso Dagaalka ka dhanka ah Kooxaha Argagixisadda, wuxuuna ugu baaqay Muslimiinta Caalamka inay midoobaan iyo inay difaacaan Dhaqanka Islaamka.

Wasiirka waxa uu Wareysigiisa ku sheegay inaysan Somalia iyo Sacuudiga oo kaliya ahayn kuwa ay dhibaatadda ku hayaan Kooxaha Argagixisadda, balse ay Kooxahaasi saamayn ku yeesheen Caalamka oo idil, waa sida uu hadalka u yiri.

Dhinaca kale, mar wax laga weydiiyey qoddobadii looga hadlay Shirkii Degdegga ahaa ee Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee Ururka  Islaamka “OIC” ee lagu soo gebagebeeyey magaalladda Jeddah ee dalka Sacuudiga waxa uu qeexay in looga hadlay sidii ay dalalka Islaamka u yeelan lahaayeen Madal Keliya oo ay kaga xaaajoodaan Dhibaatooyinka soo food saaray Dunida Islaamka, gaar ahaan dalalka Gacanka Carbeed.

Xigasho: Arab News

©Radio Dalsan

                      

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor