Wasiir C/salaam Hadliye iyo Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibedda Sacuudiga oo kulan yeeshay

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Maalgashiga Calaamiga ee Dowladda Federalka Somalia waxa uu Kulan Khaas ah la yeeshay Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibedda ee Sacuudiga, Dr. Nizaar Madani.

Kulankaasi oo ka dhacay Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibedda Sacuudiga oo ku taalla caasimadda dalkaasi ee Riyadh ayaac waxay labada dhina ka wada hadleen Xiriirka Labada Waddan, Is-dhaafsiga Xaalladaha Mandiqadda iyo Shirka ay Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamoud iyo Boqorka Sacuudiga, Salmaan C/casiis yeelan doonaan.

Madaxweyne Hassan iyo wafdi uu hoggaminayo ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tegay Sacuudiga, waxaana lagu wadaa inay Madaxda dalkaasi la yeeshaan Kulamo lagu xoojinayo Xiriirka labada dal iyo Iskaashiga dhinacyadda Ammaanka iyo Siyaasadda.

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu Boqorka Sacuudiga ka codsado Kaalmo Dhaqaale oo la siiyo Dowladda Somalia, si loogu socodsiiyo Hawlaha Qaranka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor