Wasiir Abdisalaam Hadliye oo ka digay inay Xag-jirnimadda khatar ku tahay Islaamka

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Maalgashiga Xukuumadda Federalka Somalia,  Abdisalam Hadliye Omar ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi Khaas ah oo uu siiyey Wargeyska Kuwait Times, wuxuuna sheegay inay xiisadda Xag-jirnimadda tahay dhibaato caalami ah, wuxuuna sheegay inay dhallinyarro badan oo Somali ah ku lumayaan Xag-jirnimadda.

Waxa uu intaasi ku daray inay Xag-jirnimadda dhaawac ku tahay Islaamka iyo dadka Muslimiinta oo dhan.

“Xag-jirnimadda ma aha dhibaato guaha ama Gobalka, balse waa dhibaato caalami ah oo loo baahan yahay in xal loo helo” ayuu yiri Wasiir Hadliye oo dhawaan dalka Kuwait kaga qeyb galay Shirweynaha Ururka Islaamka ee OIC.

Wasiirka waxa kaloo uu wareysigiisa kaga hadlay dagaalka ay Dowladda Federalka kula jiraan Dagaalamayaasha Alshabaab, wuxuuna tilmaamay inay dadka Soomaaliyeed waayo-aragnimo ka dhaxleen dagaalladdii dhacay 20-kii sanno ee la soo dhaafay.

Waxa uu u mahadceliyey Walaalaha Carbeed iyo dadka Islaamka iyo dalalka deriska ee gacanta ka geystay Hawlgalladda lagula jiro Alshabaab, waa sida uu hadalka u yiri.

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Maalgashiga Xukuumadda Federalka Somalia,  Abdisalam Hadliye Omar waxa kaloo uu sheegay inuusan Hawlgalkaasi kaga bixin kharaj badan, isla markaana aan wax diyaarad dagaal ama tobanaan kun oo Askari aan loo adeegsanin Hawlgalkaasi, waa sida uu hadalka u yiri.

Wuxuuna isweydiiyey sidee loola hadli karaa ragga iyo haweenka dhallinyarda ee is-qarxiya, wuxuuna dhanka kale sheegay inay dadkaasi yihiin ubadkooda oo la qalday, waa sida uu Wasiirku ku yiri Wareysiga uu siiyey Wargeyska Kuwait Times.

Xigasho: timeskuwait.com

© Warqabadka Dalsan Radio

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor