Wasaaradda Gaashaandhiga Maraykanka oo Shaacisay Heybta Askari Looga Dilay Soomaaliya

Dowladda Maraykanka ayaa ka hadashay howlgal ay dhawaan ka fuliyeen Soomaaliya, gaar ahaan gobolka Shabeellah hoose, kaasi oo lagu dilay askari ka tirsanaa ciidanka Maraykanka ee jooga gudaha Soomaaliya.

Wasaaradda gaashaandhigga dalka Maraykanka ayaa qoraal ka soo saartay howlgalkaas, waxaana ay shaacisay magaca askariga looga dilay Soomaaliya, kana tirsanaa ciidamada gaarka ah ee loo yaqaan Navy SEAL, kaa soo lagu dilay gobolka Sh/hoose.

Askariga ayaa magaciisa lagu sheegay Kyle Milliken waxaana uu ahaa 38 sano jir ka soo jeeda Falmouth Maine kana soo dagaalamay wadamo kale, Milliken ayaa noqday askarigii ugu horeeyay ee Maraykan ah oo lagu diley gudaha dalka Soomaaliya tan iyo sanadkii 1993dii.

Dhowaan ayaa Madaxweyne Trump waxa uu amray in weeraro lagu qaado saldhigyada ay ururka Alshabaab ku leeyihiin dalka Soomalaiya. Hase yeeshee waxa ay saraakiil Maraykan ah ay sheegeen in howlgalka uu ku dhintey askariga Maraykanka ah ka mid ahayn amarka dambe ee uu Trump bixiyay.

Qoraal uu soo saaray Pentagonka ayaa lagu sheegay in ciidamo isugu jira Maraykan iyo Soomaali ayaa la soo weeraray kadib markii ay diyaarad helicopter ah ay ku tageen meel ku dhow saldhig leeyihiin Alshaab.

“Waxaan ka caawinay in diyaaradaheen aan halkaa ku geyno ,”ayuu yiri afhayeenka  Pentagonka Capt.Jeff Davis. “Annaga meel gadaal ah ayaan joognay inta uu howlgalku socday balse weerar ayaa naguyimid kaas oo sababay dhimashada askarigeena.”

Afhayeenka ayaa intaa ku daray in uusan jirin askari ka tirsan ciidamada dowlada Soomaaliya oo ku dhintey ama ku dhaawacmay howlgalka balse ay ku dhaawacmeen tarjubaan Soomaali ah iyo labo askari oo Maraykan ah.

Davis afhayeenka ciidamada Maraykanka ayaa sheegay in illaa konton askari oo Maraykan ah ay joogaan dalka Soomaaliya.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media