Wasaaradda Hawlaha Guud oo Go’aamo Xasaasi ah Kasoo Saartay Shir Muqdisho Ka Dhacay

Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u Dhiska iyo Guriyeynta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Shirweyne ay maanta ku qabatay Huteelka City Palace ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay shaaca kaga qaaday nidaam cusub oo lagu diiwaangelinaayo shirkadaha dhismaha ee gaarka ah iyo shuruucda la xiriirta dib u dhiska xarumaha ee burbursan iyo kuwa la la dayactirayo ee danta guud.

Shirweynaha oo ay kasoo qeyb galeen wasiirro ka tirsan xukuumdda, Xubno ka socda Gudiga Hawlaha Guud ee Barlamaanka, Wasiirro ka socda Maamul Goboleedyada Puntland, Koonfur Galbeed iyo Jubaland, Wakiillo ka socda Galmudug, Hiiran, Shabellaha Dhexe iyo Galguduud ayaa waxaa furay wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Inj. Saalax Sheekh Cismaan, waxa uuna sheegay in uu shirkan muhiim u yahay dib u dhiska iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka oo 25kii sano ee u dambeeyay uu ku socday burbur baaxad weyn.

Dadka sida sharci darrada ah dhulka dowladda ku heysta ayaa digniin Wasaaraddu ay usoo jeedisay, waxa ayna sheegtay in dhawaan wareegtooyin sharci ah oo la xiriirta dib usoocelinta dhulka iyo xarumaha dowladda iyo sida loo dhisi doonaba ay soo saari doonto Wasaaradda.
Wasiirka waxa uu sheegay in nabadda ay ka horreyso in qof walba oo Soomaali ah uu deegaan iyo guri helo si markaas kadib nabad loogu wada noolaado. Waxaa kale oo uu sheegay in lasoo dhaweynayo shirkadaha diyaarka u ah in ay ka qeyb qaataan dib u dhiska dalka iyada oo mudnaanta koowaad la siinayo shirkadaha Soomaaliyeed.

Madasha shirka ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay filim kooban oo ka sheekeynaayo caqabadaha horyaalla Wasaaradda, waxa ay higsaneyso iyo fursadaha dib u dhiska ee dalka ka jira iyo sida ay Wasaaraddu mug weyn uga geysan lahayd dakhli soo gelinta khasnadda dowladda Federaalka.
Wasiirka Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda Maxamed Cumar Caymooy oo kamid ahaa wasiirradii ka qaybgalay shirka ayaa aad usoo dhaweeyay in Wasaaradda Hawlaha Guud la garab istaagayaan sidii ay ugu guuleysan lahayd hawlaheeda.

Dhanka kale Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud Maxamed Cumar Geedi oo soo xiray shirweynahan ayaa sheegay in aysan cidna marti uga noqon doonin hawlaha wasaaradda, ayna dib usoo ceshan doonaan waajibaadka saaran ee ay xukuumadda wakiilka uga yihiin. Mudane Geedi ayaa sidoo kale sheegay in ay degdeg kusoo celin doonaan hantida ma guurtada ah eek u jirta gacanta shakhsiyaad iyo shirkado Soomaali iyo ajnabi isugu jira.

Go’aamadii shirkaa kasoo baxay ayaa waxaa kamid ahaa in dhamaan hay’adaha dowladda loogu baaqay in ay wixii dhul, dhisme iyo dayactir hanti guud ah ay Xukuumadda wakiil uga tahay Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u Dhiska iyo Guriyeynta. Sidaas darteed waa in Wasaaradda loo daayo howlaha xukuumaddu ay u idmatay, lagana gudbo isbarbaryaaca ka jira wasaaradaha xukuumadda.
DHAMAAD
Wasaaradda Howlaha Guud, Dib u Dhiska & Guryeynta,[email protected]

Howlaha Guud

 
Howlaha Guud1

Howlaha Guud2

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor