Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta oo War Saxaafadeed ka soo saartay Waxqabadka Shirkadda Spectrum ASA.

Shirkadda Spectrum ASA waxay si guul ah kusoo gaba-gabeysay xog uruurintii (2D seismic data) dhul badeedka koonfurta Soomaaliya. Waxay ahayd 5tii September 2015 markii Dowladda Federaalka Soomaaliyeed (DFS) iyo shirkadda Spectrum ASA ay heshiis xog uruurin ku wada galeen xaflad lagu qabtay SYL Hotel oo ku yaalo magaalada Muqdisho. Wax dhibaato ah ama amni daro ah ma aanay dhicin intii lagu jiray xog uruurinta.

Dhul badeedka xogta laga aruuriyay waxay la eg tahay 20,582.75 Km. Xogtaan cusub waxa ay kaabi doontaa xog badeed hore oo dhan 20,000 km taas oo la soo aruuriyay 2014. Labada xog waxay sahlayaan in daraasad gun fog lagu sameeyo rajada shidaal ee ku jirta badda Soomaaliyeed.

Spectrum ASA.Spectrum waxay bilowday in xogta la fasiro taas oo diyaar noqonaysa dhamaadka sanadkaan, DFS ayaa baahin doonta natiijada xogta shidaal ama gaas ee laga soo uruuriyay badda koonfurta Soomaaliya.

Waxaa intaa dheer, 7 qof oo ka tirsan shaqaalaha Wasaaradda bartayna cilmiga geology (geo-scientists) ayaa ka qayb galay xog uruurinta kuwaas oo tababar lagu siiyay sida maraakibta xogta u uruuriyaan. Dadka tababarka soo qaatay waxa ay aadi doonaan Qaahiro, Masar, halkaas oo lagu bari doono xarunta Spectrum ku leedahay sida loo fasiro xogta.

©Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor