Wasaaradda Awqaafta oo shaacisay in berri ay tahay Maalinta 1aad Ciida,baaqna u dirtay Shacabka

Xoghayaha Joogtada ee Wasaarada Awqaafta iyo Diinta  Sheekh Kheyroow Aadan oo si toos ah Bulshada uga hadlayay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in maalinta beri  ay tahay maalin ciid ah,  isla markaana Ummadda ugu hambalyeeyay bilasha 1-da bisha Shawaal.

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Diinta ayaa sheegay in culimada xiriiro kala duwan oo ay sameeyeen ay u cadaatay in beri ay tahay maalin ciid ah, kadib markii laga arkay magaalooyin dhowr ah oo ka mid ah dalka.

Sheekh Kheyroow Aadan ayaa Ummadda ka codsaday inay ka faa’iideystaan tukashada ciida, isla markaana si Islaami ah loogu ciido, lana joojiyo bandhig faneedyada lagu soo dhaweynayo ciidda.

Sheekh Cali Sheekh Maxamuud (Sheekh Cali Dheere) Agaasimaha Diinta ee Wasaaradda Cadaaladda ayaa xusay in aragtida bisha ay Wasaaradda iyo culimo Soomaaliyeed la wadeegeen bulsho badan oo ay khadka si toos ah u soo geliyeen, waxaana uu hambalyo u diray Ummadda Soomaaliyeed meelkast oo ay jogaan.

Sheekh ku sugan degmada Xeraale ee gobolka Galguduud ayaa sheegay in uu dhaariyay wiilasha arkay bisha.

Sheekh Cabdiqaadir Soomow oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ayaa sheegay in markii ay la xiriireen culimada Degmada Xeraale ay  tahay mid ay ku kalsoonyihiin, isla markaana beri ay ku beegantahay maalinta koowaad ee ciidda.

Sheekh Yuusuf Cali Ceynta Guddoomiyaha Majmaca Soomaaliyeed ayaa shacabka u sheegay in salaadda ciida loo soo deg dego, isla markaana qofka Muslimka ah jidka uu ku yimaado Masjidka jid aan ahayn uu ku laabto, taasi oo uu ku tilmaamay in ay wadato ajir fara badan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media