Wasaaradda arimaha dibada dalka Imaaraadka oo martigalineysa barnaamij lagu maalgalinayo Soomaaliya

Maanta Wasaaradda arrimaha dibadda dalka Imaaraadka ayaa waxaa ay soo qaban qaabisay kulan siminaar ku saabsan oo fursadaha maal-gashiga iyo horumarinta ee Soomaaliya doorka lagu saarayo oo ayna goobjoog ka yihiin wakiilo matalaya dowlada soomaaliya.

Dhinaca dowlada Imaaraadka waxaa hogaaminaya Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Kaaliyaha arrimaha dhaqaalaha Khalid Ghanim Al Ghaith halka dhinaca soomaaliyana ay metelayaan wasiirka Arrimaha Dibadda Cabdisalaan Hadliye Cumar.

Al Ghaith , ayaa soo dhaweeyay  Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo wafdigiisa soomaaliya,waxaana uu amaanay hormarada ka dhexjira xiriirka labada dowladood.

Shirkaan manta ka furmay dalka Imaaraadka ayaa waxaa uu yahay mid lagu doonayo in lagu maalgaliyo soomaaliya, islamarkaana furasdo maalgalin loogu abuurayo Shirkaddaha daneeya maalgashiga soomaaliya, maadaama iminka ay wadamada caalamka ay shegeen in Nabadda soomaaliya in ay soo bidhaameyso.

Imaaraadka ayaa waxaa uu kamid yahay waadamada khaliijka ee sida badan taageera siiya dowlada soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor