Wasaaradda Amniga oo Ka Hadashay Howlgalo Xalay Laga Sameeyay Muqdisho

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Yuusuf Cusmaan ayaa ka warbixiyay Howlgalo Ciidamadda Dowladda iyo kuwa Amisom ay Xalay ka sameeyeen Muqdisho.

Afhayeenka ayaa sheegay Ciidamadda ay Howlgalo ka sameyeen dhamaan Isgoysyada Caasimadda Muqdisho iyo xaafadaha Degmooyinka Muqdisho.

Dhinaca kale Afhayeenka Wasaaradda Amniga ayaa shaaciyay in Ciidanka Dowladda Federaalka Heegaan Buuxa la geliyay.

Sababta keentay Heegaanka Ciidamadda la geliyay ayuu ku sheegay Afhayeenka Kadib markii ay heleen Xog sheegeysa Weeraro qorsheysan oo ay Damacsan yihiin Al Shabab iney ka fuliyaan Muqdisho.