War-murtiyeed kasoo baxay Shirweynihii Dibu Heshiisiinta oo maanta Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay.

Shirweynihii hanaanka dibu heshiisiinta ee Muqdisho ka socday mudo 5-cisho ah ayaa Sabtidii maanta lasoo gaba-gabeeyay,waxaana Shirweynahaaas soo xeray Madaxweynaha Dalka Maxamed C/llahi Farmaajo.

Mudada uu socday shirka ayaa waxaa lagu gorfeeyay hanaanka loo heli karo nabadeen iyo maslaxad waarta,waxaana ka qeyb galay qeybaha kala duwan ee Buslahada,Wasiirada Arimaha Gudaha Maamul-Goboleedyada iyo Mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha Dalka Maxamed C/llahi Farmaajo oo madasha Shirka ka hadlay ayaa sheegay in talaabadaan ay ahmiyad u leedahay dadka Somalida Dowladana ay diyaar u tahay in dibu heshisiin la sameeyo.

Halkan ka Akhriso Warmurtiyeedka:

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media