Wariye Kenyan ah oo Killidiisa u beecinaya dhibaato dhaqaale

Swaleh Mdoe oo warka Af Sawaaxiliga uga akhriya Tv-ga Citizen ee Magaalada Nairobi ayaa sheegay in sababta ku kaliftay in uu kellidiisa beeciyo ay tahay daruuf dhaqaale, isagoo sheegay in uu xittaa diyaar u yahay in uu ku soo bandhigo jaraa’idka xayeysiis ahaan.

“Saaka markii aan soo toosay waxaan ka war helay telefoonkeyga oo wicitaan laga joojin waayey, dadkaasi waxay i waydiinayeen waxa igu dhacay, waxa ka jira warkaas, laakiin ma jirin hal qof oo hal shillin iigu yaboohay” ayuu yiri Swaleh oo la hadlay warbaahinta Kenya.

Wuxuu sheegay innaanu dooneyn in uu qof dhibo, isla markaana uu diyaar u yahay in uu iibiyo kellidiisa taas oo uu ku tilmaamay inay tahay “sharci”.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media