Wariye ka tirsan Tv-ga SBC oo Xabsiga loo taxaabay

Waxaa weli Xabsi ku yaala Magaalada Gibiley ee deegaanada Maamulka Soomaaliland ku xiran Wariye Guuleed Cali Ibraahim kadib markii dhawaan ay xireen Ciidamada Soomaaliland.

Wariyahaan ayaa Xabsiga ku jira Maalintii Saddexaad markii  mid ka mid ah Xabsiyada halkaasi ku yaala uu Warbixin ka soo duubay taas oo keentay in ay Ciidamadu xiraan.

Wariye Guuleed Cali Ibraahim ayaa ka mid ah Wariyaasha ka howlgala Magaalada Gibileey,sidoo kalena Waa Wakiilka Tv-ga Sbc ee deegaanadaas.

Qaar kamid ah wariyaasha Madaxa Bannaan ee ka hawlgala magaaladaasi ayaa xariga wariyaha waxay ku tilmaameen sharci daro iyagoo sheegay inuu garab marsanyahay qodobka 32,aad kaas oo dhigaya inuu qof walba dhiiban karo Figradiisa isaguna uu gudbiyey Taasna aysan ahayn lagu xiro.

Sikastaba dhawaan ayay aheyd markii Maamulka Magaalada Gibiley ay sheegeen in marnaba aan Warbixino laga diyaarin Karin magaaladaas,iyada oo  Maamulkooda aan lagu soo wargelin

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media