Wariye Goordhow lagu xiray Magaalada jowhar

Maamulka gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa goordhow Xabsiga dhigay Wariye Cabdishakuur Shaashaa oo ka mid ah Wariyayaasha ka howlgalla Magaalada Jowhar ahna Milkiilaha Idaacadda Cityfm oo ku taalla isla jowhar.

Amar ka soo baxay gudoomiyaha gobolka Shabeellaha dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa la sheegay in lagu xiray Wariyaha in kastoo Maamulku uusan weli cadeyn sababta ka dambeysa xarigiisa.

Wariyaha ayaa iminka ku jira Saldhiga dhexe ee Magaalada Jowhar si ay inoo sheegeen Wariyayaal booqday,kuwaas oo Maamulka weeydiiyay sababta loo xiray balse an loo sheegin.

Ilo madax banaan oo ku sugan Jowhar ayaa Dalsan waxa ay u sheegeen in Gudoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan uu ku amray taliyaha Saldhigga Jowhar in la soo xiro sidaasna Galabta lagu xiray.

Sidoo kale Wariye Shaashaa ayaa bartiisa Facebook waxa uu ku xaqiijiyay xarigiisa balse balse ma uusan sheegin sababta loo xiray.

Wixii ku soo kordha kala socda radiodalsan.com

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media