Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in ay Muqdisho soo gaarto diyaarad sida Wariye Boqorka Bartamaha oo mudo Afar Sano ku dhow ku xirnaa dalka Itoobiya.
Dadaal ay sameysay Xukuumadda Soomaaliya ayaa suurtagashay in Wariye Maxamed Aweys Muudeey Boqorka Bartamaha uu xuriyadiisa helo sida uu Warbaahinta u sheegay.
Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde waxaa hadda ku sugan masuuliyiin ka tirsan Dowladda iyo inta badan Wariyaasha ka howlgalla Muqdisho kuwaas oo isku diyaariyay soo dhaweynta Wariye Boqorka Bartamaha.
Maxkamada Dalka Itoobiya ayaa Wariyaha ku xukuntay 27 Sano oo Xabsi ah taas oo uu afar ka mid ah uu xirnaa balse dadaal ay sameysay dowladda lagu siidaayay.