Wariye Boqorka Bartamaha oo laga siidaayay Xabsi ku yaalla Itoobiya

Mudo dhowr Sano ah oo u u xirnaa dowladda Itoobiya ayaa waxaa lagu soo waramayaa in Wariye Maxamed Aweys Muudeey oo loo yaqaano Boqorka Bartamaha ayaa la sheegay in lasiidaayay.

Wariyaha oo horay Maxkamada Itoobiya ay ku xukuntay 27 Sano oo Xabsi ah,ayaa dadaal ay sameysay xukuumadda Soomaaliya ay Itoobiya siideysay isaga iyo Maxaabiis kale oo Soomaali ah.

Maxamed Aweys Muudeey ayaa ugu dambeyn la soo xiriiray ehelkiisa si ay u ogaadaan in uu xur yahay waxa uuna yiri.

“Waxaan Buuxiyay Foomkii sii deysmada, waxaan joogaa qeybta Socdaalka ee Itoobiya waxaan sugayaa madaxda Safaaradda, waxaan aad ugu mahadcelinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Go’aanka sii deynteeda lahaa, ee Asxaabteyda Saxaafada ugu sii bishaareeya in horraanta isbucaan aan magaalada Muqdisho ku soo wajahanay”

Sikastaba dhowr bil ka hor ayaa la shaacinayay in Wariye Boqorka Bartmaha Xabsiga lga siidaayay balse taasi ay beenowday,balse ugu dambeyn haatan l sheegay in uu xurriyadiisii uu helay.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media