Wariyaasha Baydhabo oo ku dhawaaqay Shaqa joojin kadib markii ay wada Shaqeyn ka waayeen..

Wariyaasha ka howlgalla Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa Maanta waxa ay sheegeen in ay ku dhaqaaqeen Shaqa joojin socon doonta mudo 7 cisho.

Wariyayaasha ayaa arrintaan waxa ay u sababeeyeen kadib markii ay wada Shaqeyn ka waayeen Madaxtooyada koonfur galbeed Soomaaliya.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in Wariyaysha qaar maanta jirdil loo geystey xilli lagu guda jirey Soo Dhaweyntii madaxda Qaranka iyo kuwa Maamul Goboleedyada. Waa sida hadal ay u dhigeen wariyayaasha ka howlgalla Baydhabo.

Weli madaxtooyada Koonfur Galbeed Soomaaliya wax war ah kama soo saarin Shaqa joojintaas ay ku dhawaaqeen Wariyaasha Magalada Baydhabo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor