Wareysi gaar ah: Wasiir Jangali ” Bam ayuu ahaa Qaraxii Diyaarada Daallo Airlines”

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumada Soomaaliya Cali Axmed Jangali ayaa ku sheegay Wareysi gaar ah oo uu siiyay Radio Dalsan in Qaraxii Diyaaradii Daallo Airlines uu ahaa Qarax loo adeegsaday Laptop lagu soo xiray waxyaabaha Qarxa.

Wasiirka ayaa sheegay in Baaritaan ay Markii hore sameeyen Hey’addaha Amniga Soomaaliya iyo baaritaano kale oo ay sameeyen Dalalka kale Ee Xiriirka la leh Soomaaliya ay ka soo baxen Natiijoyin isku mid ah.

Jangali waxa uu ku dhawaaqay in Dowlada Soomaaliya ay Shacabka Soomaaliyeed ku wargelinayso in Waxii ka dhex qarxay Diyaarada Daallo uu ahaa Qarax loogu talo galay in lagu dilo Rakaabkii Diyaarada,laguna burburiyo Diyaarada.

Waxa uu intaasi ku sii daray in Dowlada Soomaaliya ay soo gudbineyso Natiijada oo dhameystiran lkn imminka ay gudbinayan oo kaliya Natiijo horu dhac ah.

Ciidamada Amniga ayaa xiray dad badan oo lala xiriirinayo Qaraxii Diyaarada Daallo Airlines waxana jira warar sheegaya in Dadkasi ay kamid yihiin Saraakiil ka Howlgaleysay Garoonka Diyaaradaha Aden Adde.

Halkan Hoose ka dhageyso Wareysiga:-

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor