(WAREEGTO): Labo Musharax oo laga mamnuucay inay dib u tartamaan.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashadda Dadban ee Heer Federal, Avvocate Cumar Maxamed Cabdulle ayaa soo saaray War-saxaafadeed ay Guddiga ku go’aamiyeen in Tartanka Doorashadda ee Kutrsiga Beesha Jiidle laga mamnuuco inay u soo tartamaan Labo Musharax oo bishii November 18-dii ku dagaalamay magaalladda Jowhar.

War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in Musharax Maxamed C/llaahi Xuseen (Nuux), ahna Wasiirka Dhallinyarada iyo Sport-ga ee Xukuumadda Federalka ku lug lahaa fowdo ka dhacday Hoolka Doorashadda ee Jowhar, iyadoo Musharaxa kale ee la tartamayey, Axmed Sheekh Nuur (Cirro) lagu eedeeyey inay Taageerayaashiisa bilaabeen rasaasta ka dhacday bannaanka Xarunta Doorashadda ee Jowhar.

Labadaasi Musharax ayaa la go’aamiyey inaysan isku soo sharxi Karin Kursiga Beesha Jiidle, waxayna Guddiga Doorashadda ka codsadeen Ugaaska Beeshaasi inuu soo xulo Ergo cusub oo doorata Musharaxiinta ku tartamayso Halka Kursi ee ay Beeshaasi ku leedahay Aqalka Hoose ee Barlamaanka Federalka ee soo socda.

Halkan ka akhriso Wareegtadda Guddiga Doorashadda Dadban ee Heerka Federal:

 

 

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor