(WARBIXIN):Warbaahinta Carabta oo indhaha ku haysa Xiisadda Diplomaasiyadeed ee Somalia iyo Imaaraadka

Tan iyo wixii ka dambeeyey Dhacdadii bishan April 8-dii ee Garoonka Muqdisho lagu qabtay Diyaaraddi iImaaraadka ee waday 9.6 million oo Dollar waxay Warbaahinta Carabta bilaabeen inay indhaha ku hayaan Dhacdooyinka Somalia.

Waana markii ugu horreysay muddo 20-meeyo sanno kadib oo ay Warbaahinadda ugu tunka weyn Carabta wax badan ka qoraan Arrimaha Somalia.

Wargeyska Al-quddus Al-carabiya ee ka soo baxa magaalladda London waxa uu Maqaal dheer ka qoray Samaynta uu Khilaafka Khaliijka ku yeeshay Arrimaha Somalia iyo sida ay Dowladaha Qatar iyo Imaaraadka u danaynayaan inay saamayn ku yeeshaan Arrimaha Gudaha ee Somalia.

Wargeyska Al-quddus Al-carabiya waxa uu Maqaalka Hal-ku-dheg uga dhigay:  “Somalia oo ku soo laabatay Saaxadda Warbaahinta Carabta, kadib kashifaadii Dollarka Imaaraadka”.

Wargeysku waxa uu Maqaalkiisa ku soo bandhigay Lacagta Imaaraadka ee la qabtay iyo Go’aankii lagu xiray Isbitaalka Imaaraadka ku lahaayeen Muqdisho, kaasi oo maalin kasta baaritaan caafimaad iyo daawo siin jirey 300 oo Bukaan-socod ah.

Wargeyska waxa kale oo uu xusay burburka ku yimid Heshiiskii Milliteri ee ay Somalia iyo Imaaraadka lala saxiixdeen sannadkii 2014-kii.

Wargeysku waxa kale oo uu soo bandhigay Qoraalladda dadyowga Carabta isku dhaafsadaan Warbaahinta Bulshadda, oo ay kaga hadlayaan Xiisadda Somalia iyo Imaaraadka iyo saamaynta ay Dowladda Qatar ku yeelanayso Arrimaha Somalia.

Sidoo kale, Warbaahinadda Maxaliga ee dalalka Qatar iyo Isbahaysiga Imaaraadka ayaa iyagana si joogta ah u qora Warar, Maqaalo iyo Falaanqeyn Siyaasadeed oo ku aadan Siyaasadda Cusub ee Somalia iyo saamaynta Khilaafka Khaliijka ee Dowladaha Imaaraadka, Sacuudiga, Baxrayn iyo Masar kala dhexeeyo Dowladda Qatar.

Telefishinadda Aljazeera iyo Al-arabiya ayuuna loolanka ugu adag ka dhexeeya, iyagoo tebiya Warar iyo Barnaamijyo iska soo horjeeda, waxayna wareystaan Siyaasiyiin kala Aragti ah.

Borobogaandada noocaasi ayaana u muuqata inay figteeda sare sii gaarayso, iyadoo Koox Suxufiyiin ah oo ka socda Aljazeera TV haatan booqasho ku joogaan magaalladda Muqdisho, iyagoo tebinaya hadba Tallaabadda ay Dowladda Qatar ku taageerayso DFS.

Xiriirka DFS iyo dalka Qatar ayaana sii xoogeystay tan iyo markii Madaxweyne Farmaajo la doortay bilowgii sannadkii hore, iyadoo Dowladda Qatar loo xaglinayo inay kaalin lixaad leh ka qaatay Doorashadaasi.

Si kastaba ha ahaatee, Loolanka dhinaca Saxaafadda ee Khilaafka Khaliijka waxa uu olol kale ku sii  shidi doonaa Khilaafka dalalka Khaliijka ee hodanka ah ee ku lugta leh Xiisadaasi, waxayna Somalia u horseedi kartaa Mustaqbal Siyaasadeed aan la ogeyn halka uu ku furan doono.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media