(WARBIXIN)Soomaaliya ma ka maarantaa Ciidamada AMISOM?

Waxaa isguraya waqtiga la qorsheeyay in ugu dambeys ay ciidamada AMISOM uga baxaan dalka Somalia marka la gaaro sanadka 2020-ka.

Laakiin Qaramada Midoobay, Midowga Africa iyo dalalka deeqda bixiya ayaa bilihii u dambeeyay dib u eegis ku sameynayay suurta galnimada waqtigaasi kooban in ammaanka lagu wareejiyo ciidamo Soomaaliyeed oo tababaran oo qalabeysan oo ammaanka dalkooda hanan kara.

Dowladda Soomaaliyana waxey dhowr mar xaqiijisay inay ku joogto qorsha istaraatiijiyadeysan oo ay ammaanka kula wareegeyso.

Haatan, waxaa magaalada Muqdisho ka socda kullan ay soo qaaban qaabisay Hay’adda Cilmi Baarista ee Heritage, oo aqoonyahan iyo marti sharaf kale ay ku falanqeynayaan arrinta suurtagalnimada la wareegista amaanka ee Ciidamada Soomaaliya.

Hadaba Su’aasha ah Soomaaliya maka maarantaa Ciidamada AMISOM waxaa ka jawaabaya Madaxa hey’adda Heritage, Cabdirashiid Khaliif.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor