Warbixin: Xubno Madaxweynaha ku dhow oo sheegay in “ Xasan Sheekh iyo Netanyahu ay ku kulmeen Tel Aviv “

Xubno aad ugu dhow Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa u sheegay Wargeyska Times of Israel, in Madaxweynaha Soomaaliya iyo Rai’sulwasaaraha maamulka Yahuuda Benjamin Netanyahu ay wada qaateen kulan qarsoodi ah.

Wadamada Muslimiinta ma aysan aqoonsan maamulka yahuuda, Soomaaliyana waxaa ay ka mid tahay wadamadaasi Muslimka ah ee aan aqoonsan dowladnimada Israel.

Xitaa Soomaaliya lama lahan wax xiriir ah oo diplomaasiyadeed, waxeyna ay kala simanyihiin, dalalka ku jira Ururka Jaamacada Carabta.

Warbixin laagu qoray Website-yo ayaa dhawaan lagu baahiyay in Madaxweynaha Soomaaliya iyo Rai’sulwasaaraha maamulka Yahuuda Benjamin Netanyahu, ay kulan qaas ah kuwa qaateen Magaaladda Tel Aviv, ee caasimada u ah Maamulkaasi.

Sidoo kale dowlada Soomaaliya, ayaa dhankeeda diiday in uu jiray kulan labadaasi masuul ay wada yeesheen.

Dhinaca kale Netanyahu, wuu diiday in ay uu si toosa ah uu ugu jawaabto, su’aalaha ah hadii ay jireen kulan ay la qaateen Madaxweynaha soomaaliya.

“ Waxaan keliya aan ku dhihi karaan, waxaan la leenahay xiriiro wadamo badan, sidoo kale lama lihin xiriir toos ah wadamo badan” ayuu u sheegay Wargeyska Times of Israel.

Wargeysyka Times Magazine, warbixin sanadeed uu qoray ayaa waxaa uu Madaxweynaha soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ku daray 100 qof ee ugu saameeynta badan Aduunka sandkii 2013.

Isniintii la soo dhaafay, Mr Netanyahu, ayaa waxaa uu safar xiriir adkeyn ah uu ku marayay wadamada Kenya, Ethiopia, Uganda iyo Ruwanda, waxaana markii uu tagay kenya uu sheegay in uu ka caawinaayo dhismaha deriga dheer ee laga dhisaayo xuduuda soomaaliya iyo kenya.

Warsaxaafadeed kasoo baxay, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa dhawaan lagu shaqay in  aan habacsanaan ku jirin abuuridda, cusbooneysiinta iyo xoojinta xiriirka iyo dan wadaaga, taasi oo u adeegeysa danaha qarankeena ee ka qeyb ah wadamada deriska iyo kuwa isbaheysiga nala ah ee dunida daafaheeda .

Soomaaliya waxa ay si guul leh uga soo banbaxday waqti tegay oo adag, ayna u gudubtay xilli cusub oo deganaansho iyo horumar ah. xagashu waxa isku badashay oo ay u jiheysatay dhanka mustaqbal horumarineed oo aad u wacan. Sidaa darteed, waxaa muhiimad u leh Soomaaliya inay la ambaqaado howsha si wax ku ool leh dhammaan bahwadaagta si ay ku jirto awoodaha oo dhan ee la xiriira dhammaan arrimaha xiisa wadaagga leh oo ay ka mid tahay ka hortagidda argagaxisada caalamiga, dhiirigelinta horumarka dhaqaalle iyo fududeynta ganacsiga.

Xilli Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay qiimeyneyso dhammaan bahda ay dan wadaagta yihiin, ayna ku dadaaleyso u saldhigidda xiriiro macna leh wadamada isbaheysiga ah iyo kuwa cusub, iyadoo u jeedka yahay hubinta horumarka iyo barwaaqada mustaqbalka Soomaaliya , Wasaaraddu waxa ay xaqiijineysaa in kulanka la sheegay ee dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha Israel aanu qabsoomin.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor