(Warbixin) Somalia iyo dalal kale oo loogu deeqay Kharaj lagu baarayo dadka maalgeliya Dembiyada Dagaalka iyo falalka Musuqa

Jilaaga Maraykanka ee  George Clooney ayaa ku yaboohay Lacag uu sheegay in loo adeegsan doono in lagu soo xururiyo Xogaha Dembiyadda Dagaalka, Musuqa iyo Lacagaha loo xawilo Kooxaha ka dagaalama Qaaradda Afrika.

Hadal ka soo baxay Hay’adda The Clooney Foundation for Justice ee Caddaaladda oo uu asaasay Jilaagaasi ayaa sheegtay in Kharajkaasi loogu talagalay Qorshe Baaritaano lagu ogaanayo cidda maalgelisa Colaadaha ka socda Qaaradda Afrika.

George Clooney  oo ka tirsan Shirkadda Filimadda sameeysa ee Hollywood ayaa sheegay in Baaritaanadda diirada lagu saari doono si loo hubiyo inaan mar kale la bixinin Kharajka loo adeegsado Dembiyadda Dagaalka.

George Clooney iyo Jilayaal kale oo uu ka midf yahay  Don Cheadle, waxay ururiyeen Lacag dhan  3.45 million oo Dollar oo lagu maalgelinayo Ololaha looga hortagayo Dembiyadda Dagaalka iyo Musuqa ka jira Qaaradda Afrika.

Kharajkaasi ayaa la sheegay in lagu maalgelin doono sannadka soo socda Warbixinadda ku aadan Muduqa Hantida Dowladda iyo Maalgelinta Sharci-darradda ee dalalka ay Colaadaha Sokeeye burburiyeen, kuwaasi oo kala ah Somalia, South Sudan,.Sudan, Congo, Somalia dalka Afrika Dhexe.