Warbixin: Socdaalka Madaxweyne Obama ku tegayo Kenya

Madaxweynaha dalka Maraykanka, Barack Hussien Obama ayaa la filayaa inuu booqasho rasmi ku tego caasimadda dalka Kenya ee Nairobi, waanaa socdaalkiisii ugu horreeyey ee uu Kenya ku tago tan iyo markii Madaxweynaha dalkaasi loo doortay.

Obama oo asal ahaan ka soo jeeda Kenya ayaa la filayaa inuu  maalinta Khamiista ka soo ambabaxo Washington, wuxuuna Kenya ku soo beegan yahay Fiidnimadda Jimcaha ee soo socota.

Wafuud hordhac ah oo dhinaca Amniga iyo Borotokoolka ayaa soo gaaray Nairobi, iyadoo in ka badan 10,000 oo ciiddamo Maraykan ah loogu talagalay inay sugaan ammaanka wafdiga Madaxweyne Obama oo Kenya joogi doona muddo saddex cisho ah.

Diyaaradaha Qumaatiga u Kaca ee Milliteriga Maraykanka ayaana hawlgallo dhinaca Sirdoonka ka bilaabay Hawada dalka Kenya, waxaana Hawada Nairobi lagu arkayey Diyaaradaasi oo hadba jiho sahminayo.

Diyaaradahaasi waxaa ka mid ah hal Helikopter iyo 4 noocoodu yahay Boeing V-22 Osprey aircraft.

Diyaarada Boeing V-22 ma aha Helikopter caadi ah,waxayna ku duuli karaan xawaare 78 jeer ka dheer Helikoptarada caadiga ah.

Diyaaraddan waxaa qaab ahaan looguy diyaariyey si gurmad degdeg ah oo dhinaca Ammaanka lagu daabulo Madaxaweynaha haddii uu la kulmo xaallad khatar ah.

Madaxaweyne Obama ayaa lagu wadaa inay isaga iyo dhigiisa dalka Kenya, Uhuru Kenyatta wada guddoomiyaan Shirweynaha 6-aad ee looga hadlayo Ganacsiga Xorta ee Caalamka

“The 2015 Global Entrepreneurship Summit GES”, kaasi oo bishan July 25-da ka furmi doona Nairobi.

Waxaa suurtogal ah inuu Madaxweyne Obama kulamo aan toos ahayn la yeesho Hoggaamiyayaasha kale ee ka soo qeyb geli doonaa Shirweynahaasi, waxaana la shaaciyey in lagu casuumay 60 Hoggaamiye Dowladeed.

Obama waxaa lagu wadaa inuu Khudbad ka jeediyo Jaamacadda Kenyatta University iyo Garoonka Kasarani, waxaana haatan goobahaasi la dhigay Ciiddamo Maraykan oo aad u qalabaysan.

Madaxweyne Obama ayaan la ogeyn inuu Khudbad ka jeediyo Barlamaanka dalkaasi, inkastoo aad loo hadal-hayo inaysan qorshihiisa ku jirin.

Afhayeenadda Labada Gole ee Barlamaanka waxaa horey loogu wargeliyey inay u diyaar-garoobaan Kulanka Madaxweyne Obama.

Madaxda iyo Shacabka Kenya oo aad u xiisaynayo Safarka Obama ayaa rajeynayo inay wax badan ka macaashi doonaan booqashadaasi.

Uhuru Kenyatta ayaa waxa u qorsheysan inuu Madaxweyne Obama kala hadlo qoddobo badan oo muhiim ah, oo ay ugu waa weyn yihiin Maalgashiga, Ganacsiga, Ammaanka iyo Taageero Dhaqaale.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inay Labada Hoggaamiye isla eegi doonaan Xaalladda Guud ee Geeska Afrika, Qaxootiga Somalia, La-dagaalanka Alshabaab iyo sidii wax looga qaban lahaa Musuqa iyo Heerka liita ee Xuquuqda Aadanaha ee Kenya.

Ku-dhawaad 200 Suxufiyiin Maraykan ayaa ka soo hordhici doona Wafdiga Obama, si ay Tebin Toos ah uga sameeyaan marka ay Diyaaradda Madaxweyne Obama soo caga dhigato Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha ee JKIA ee magaalladda Nairobi.

Booqashadda Madaxweyne Barack Obama ku imaanayo Kenya ayaa ah tii labaad ee uu ku tago dalkaasi, wuxuuna isagoo Senator booqday sannadkii 2006-dii, wuxuuna khudbad ka jeediyey Jaamacadda The University of Nairobi, isagoo ku baaqay in la joojiyo musuqa ka jira Kenya.

HELICOPTER 5 HELIKOPTERS 1 HELIKOPTERS 4 HELIKOPTERS 6 HELIKOPTERS 7 HELIKOPTERS 8 HELIKOPTERS 9 HELIKOPTERS 10 HELIKOPTERS11

WQ. Ustaad Nuradin Abokor Ahmed.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor