(Warbixin): Saxafi wax ka qoray Marwada 1-aad ee dalka Zimbabwe oo la xiray

Boliska dalka Zimbabwe waxay Xabsiga dhigeen  Milkiilaha Wargeys Maalinle ah oo wax ka qoray Xaaska Madaxweynaha dalka Zimbabwe oo lagu magacaabo Grace Mugaabe.

Saxafiga oo lagu magacaabo Kenneth Nyangani, kana hawl-gala Wargeyska The NewsDay waxa lagu haystaa inuu Sheeko ka qoray dhar ay Xaaska Madaxweyne Robert Mugaabe ugu deeqday Taageerayaasheeda si ay ugu labistaan..

Wargeyska ayaa qoray in dharka la qeybiyey oo ahaa kuwa hoosta laga xirto ahaayeen kuwo mustacmal ah ama Gacan Labaad ah (second hand under-wear).

Qareenadda Xuquuqda Aadanaha ee dalka Zimbabwe ayaa sheegay inuu Saxafiga.Kenneth Nyangani la xiray habeenkii Isniinta ee la soo dhaafay, isagoo lagu soo oogay inuu qoray, isla markaana uu daabacay Warbixinta ku aadan dharka mustacmalka ee ay Marwada 1-aad ee dalkaasi u qeybisay Taageerayaasheeda.

Saxafiga, Kenneth Nyangani ayaa la sheegay in lagu xiray Degmadda Mutare, welina lama soo maxkamadynin, inkastoo la sheegay in  lagu soo oogi doono inuu aflagaadeeyey Marwada Madaxweyne Mugaabe.

Wargeyska The NewsDay waxa uu Isniintii qoray in Xildhibaan Esau Mupfumi oo ka tirsan Xisbiga haya talada dalkaasi ee ZANU-PF dhamaadkii isbuuca lagu wareejiyey dharka la sheegay inay ku deeqday Garace Mugabe.

Wargeyska waxa uu Xildhibaanka ka soo xigtay hadal uu u jeediyey Taageerayaasha loo qeybiyey dharkaasi, isagoo yiri: “Waxaan la kulmay Marwada 1-aad oo ii soo dhiibtay dharkan oo aan idin siin karo, Kaalay qaata Dharka”.

Waxa kale oo uu ii soo raaciyey: “Waxaan haynaa Labiska Habeenkii, kabo sandal ah iyo dhar, kaalay oo qaata, waxay idinkaga timid Marwadiina 1-aad ee Grace Mugabe”.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media