(Warbixin): Maxaa ku soo kordhay dabkii ka kacay Diyaaradda Daallo ee Flight No. D3159 ?

Diyaarad ay leedahay Shirkadda Daallo Airlines oo barqanimaddii maanta ka hinqatay Garoonka Caalamiga ee Aadan Cadde ee magaalladda Muqdisho  ayaa waxay si degdeg ah ugu soo laabatay Garoonka, kadib, markii uu dab ka kacay mid ka mid ah Matooradeeda.

Diyaaradaasi oo uu Duulimaadkeedu ahaa Flight No. D3159 kuna sii jeeday magaalladda Jabuuti waxaa la socday Rakaab tiradoodu dhamayd 74-qof, kuwaasi oo isugu jiray kuwa Transit ahaan  u sii marayey dalka Jabuuti iyo kuwo safarkooda ku ekaa Jabuuti.

Markii ay Diyaaradda muddo 10-daqiiqo ah hawada ku jirtay, xilli ay Diyaaradda dul maraysay Hawada Degmadda Balcad ee Gobalka Sh/dhexe ayaa waxa uu Duuliyaha iyo Gacan-yarayaashiisa arkeen dab ka baxayo mid ka mid ah Matoorka Diyaaradda, waxayna go’aansadeen inay dib ugu soo laabtaan Garoonka Muqdisho, wuxuuna Duuliyaha Farriin Qeylo-dhaan ah u diray Hawlwadeennadda Garoonka, si loogu diyaar-garoobo soo-degista Diyaaradda.

Dad arkayey Diyaaradda ayaa sheegay inuu Olol ka baxayey Diyaaradda, una ekeyd mid dhulka ku sii hoobanayso.

Markii ay Diyaaradda soo caga-dhiganaysay Garoonka waxaa laga dareemayey Qiiq badan oo hareeyey Matoorka, wuxuuna dabku waxyeelo ba’an iyo duleel u yeelay dhinaca midig ee Diyaaradda ee ka dambeysa Albaabka Labaad ee Diyaaradda.

Dab-damiska iyo Kooxihii Gurmadka ayaa gaaray halka ay Diyaaradda caga-dhigatay, waxaana si halhaleel loo soo dejiyey Rakaabka oo ay ku jireen 2 qof oo uu soo gaaray dhaawac gubasho fudud.

Diyaaaradda waxa la dhigay Garoonkii hore ee Diyaaradaha Milliteriga ee Afisiyoone oo aan ka fogeyn Garoonka Aadan Cadde, waxaana la filayaa inay Farsamo-yaqaano ka socda Shirkadda Daallo Airlines berri soo gaaraan Muqdisho, si ay u qiimeeyaan Khasaaraha uu dhaliyey Dabka ka kacay Matoorka Diyaaradda.

©Radio Dalsan                

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor