(Warbixin): Maraykanka oo laga yaabo inay kordhiyaan kaalinta firfircoon ay ku leeyihiin gudaha Somalia

Wargeyska “The Guardian” ee ka soo baxa London ayaa qoray Maqaal uu  hal-ku-dheg uga dhigay: “Qaraxii Muqdisho kadib, Maraykanka oo laga yaabo inay kordhiyaan Kaalintooda Somalia”.

Madaxweyne Donald Trump waxa uu horey u ansixiyey  Adeegsiga Ciiddanka Maraykanka ee ku sugan, ka hor inta aysan boqolaal qof ku geeriyoonin qaraxaii bilowgii isbuucan ka dhacay Muqdisho.

Sannooyin badan, Somalia waxay noqotay Aag la ilaabay, iyadoo ay Caalamka ka socdaan Ololayaal kala duwan oo looga soo horjeedo Colaadaha Kooxaha Islaamiyiinta.

Wargeyska “The Guardian” waxa uu kaloo qoray in Qarixii ka dhacay Muqdisho laga yaabo inuu sare u qaado Kaalinta Firfircoon ee ay Maraykanka ku leeyihiin Somalia, waa sida uu Wargeysku qoray.

Bilowgii sannadkan,  Madaxweyne Donald Trump waxa uu Somalia u aqoonsaday Deegaan ay dhaqdhaqqayo dagaal ka jiraan, taasi oo u fasaxaysa in Taliyayaasha la siiyop Awoodo dheeraad marka Hawlgalladda Duqeynta Cirka laga fulinayo gudaha Somalia.

Madaxweyne Trump waxa kale oo uu markii ugu horreysay meel mariyey in Ciiddamo Maraykan ah loo daad-gureeyo Somalia waana markii ugu horreysay ee Ciiddamo Maraykan loo soo diro Somalia tan iyo sannadkii 1994-kii.

Wargeyska “The Guardian” waxa kale oo uu wax ka qoray sababihii Milliteriga Maraykanka uga soo baxeen Somalia bilowgii sannadihii 1990-aadkii.

Milliteriga Maraykanka waxaa laga soo saaray Somalia, kadib, markii 2 Helikopter oo noocoodu ahaa  |Black Hawk” loogu soo riday Muqdisho sannadkii 1993-kii, iyo maydadka Askarta Maraykan ee la sheegay in lagu jiid-jiiday Waddooyin ku yaalla Muqdisho.

Wargeyska waxa kale oo uu qoray in Askari ka tirsan Komaandooska Maraykanka lagu dilay Somalia bishii May ee sannadkan, kadib, markii ay Ciiddanka Maraykanka dagaal la galeen Alshabaab.

Wargeyska The Guardian waxa kale oo uu xusay in Kaalin kasta ee Doorka Maaryaknka ku yeelanayo ee Somalia ka hor imaan karto Asaaska hoose ee kordhinta Doorka Milliteriga Maraykanka ee guud ahaan Qaaradda Afrika.

Bilowgii bishan, 4 Askar Maraykan ah ayaa lagu dilay iska horimaad ka dhacay gudaha dalka Nayjar.

Dhinaca kale, Wargeyska The Guardian ee ka soo baxa London waxa kale oo uu taxliil ku sameeyey Hawlgalka AMISOM ee La-dagaalanka Alshabaab.

Wargeyska waxa uu qoray  in Somalia horey loogu daad-gureeyey in ka badan 20,000 oo Askar ka tirsan Hawlgalka AMISOM si ay ula dagaalamaan Alshabaab, balse si kulul loo naqdiyo Ciiddanka AMISOM.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media