Warbixin : “ Maanta oo ku began Maalinta Macalimiinta Aduunka”

Maalinta Macalimiinta Aduunka ee “ World Teachers’ Day” ayaa waxaa  markii ugu horeysay la xusay 5 bishii October ee sanadkii 1994, iyadoona ay isku yimada Ururada Macalimiinta Aduunka, waxaana ujeeda ay aheed in la isku Abaabulo, lana taageeri macalimiinta iyo sidii loo xaqiijin lahaa dhalinyada Mustaqbalka sidii ay ula kulmi lahaayeen Macalimiin Tayo wanaagsan leh.

Hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan tacliinta, dhaqanka iyo sayniska ee UNESCO, ayaa sidoo kale laga so xigtay in Maalinta Macalimiinta Aduunka ee “ World Teachers’ Day” ay tahay maalin ku weyn dhamaan Macalimiinta, iyadoona ay muhiimad gaar ah u leh, hormarisana waxbaraashada iyo ubogida Carruurta, laguna bixiyo abaalmarino heersare ah.

Maalinta oo kale waxaa Dunida laga xusaa maalinta Macalimiinta, iyadoona ay macalimiinta aaneey helin xuquuq ku filan oo ay qaataan, Marka la eego Wadamada Qaar ee ay ragaadiyeen dagaalada sokeeyo sida dalkaan Somaaliya oo kale.

Macalimiintu waa kuwa Gudbinaya ama ku faafiya Waxbarashada Aduunka oo dhan.Tan iyo inta taariikhda la xuso waxa Jirey Markasta Macalimiin iyo dad Aqoon leh oo dadka kala dagaalama Jahliga isla markaasina wax bara.Waa Tusayalayaal fiican iyo dad ku dayasho leh ama lagu Faano oo Bulsho kastaa leedahay,Inta badan Aduunyadana Macalinimada Diinta iyo Caqiidooyinku ma Xadeeyaan oo qofku wuxu wax ka soo baraan karaa dad aaney isku dhaqan iyo diin toona aheyn.

Tusaale dalka Kenya Macalimiinta dalkaasi, ayaa waxaa ay dhawaan ku dhawaaqeen shaqo joojin Qaran, kadib markii ay ka cabasho ay ka muujiyeen mishaaraadkooda, inkasoo nasiib wanaag ay manta dib ay u bilaabeen shaqooyinkooda, waxaana lasoo wariyay in Macalimiinta lagu arkay iyagoo fasalada ku jira oo Casharada Bixinaaya.

Dhinaca soomaaliya markaan eegno, iyadoo ay dagaalo sokeeye ay soomaaliya kazoo dheceen, ayaa waxaa meelaha dagaaladaasi ay saameeyeen ka mid ah dhinaca waxbarashada, laakiin  Macalimiinta soomaalida ayaa waxaa lagu amaanaa in aysan hakin marnaba bixinta adeegyada ay Carruurta soomaaliyeed ay ka heli jireen iskuuladda.

Horumarka waxbarashada laga sameynaayo ama loogu Jiro Ayaa sannad kasta intii hore ka sii kordhaaya,Fursado waxbarasho oo badan oo markii hore aan Jirin ayaana wadankeena ka furmaya ama la keenayaa,Tirada dugsiyada,Machadyada,Dugsiyada gaarka loo leeyahay,Jaamacadaha iyo Xarumaha waxbarashada Farsamada,kuwa dadban ama tooska ah intuba 10kii sanno ee u danbeeyey waxa ay u bateen si aan qiyaas laheyn.Kuliyado iyo Aqoon kala duwan oo Dhamaan inta Aduunka laga dhigto ah isla markaasina Nolosha Mustaqbalka Ardeygeena Siin karta Dheef iyo Sumcad intaba Ayaa loo Kalaha ama socdaa Maalin oo dhan.Waxbarasho ta ugu Hooseysa ilaa Heer Jaamacadeed oo ah Mid ka mid ah Darajooyinka la wada Higsanaayo Ayaa Hirgelay oo la Helay.

 

WQ: Hassan Ali Osman Istiila