Warbixin: Maanta oo ku beegan waqtigii ay dowladdii 1979 ay ansixisay Dastuurka Soomaliya

23 bishii September ee ku beegan Maanta oo kale sandkii  1979 waxaa Madaxweynihii xiligaasi ee Soomaaliya uu ansixiyay Dastuurka Soomaalia. Iyadoo Aftida Dastuurka uu ka dhacday Soomaaliya 25 Agoosto 1979. Waxaa dastuurkaan cusub lagubadalay kii 1961, wuxuuna ka dhigay Dawlad-hal xisbi ah madaxwenaha ayaa ahaanaya cidda kaliya ee saraysa. Waxaana lagu ansixiyey 99.78% ee codad.

Waxaa markii la qaaday Aftida kadib lasoo saaray xiligaasi Natiijooyinkii kasoo baxay taasoo ay noqotay sidan:

U codeeyey 3,597,592 99.78
Diiday 7,898 0.22
Wadarta 3,605,490 100

Hadaba dowladii xiligaasi jirtay ayaa la sheegay in ay ku dhaqmi jirtay Nidaamka Presidential System kaasoo lagu qeyxo, sidaan.

Hab Xukuumadeedka Presidential System:  waa Hanaan ay dowladdu ay madax kagaga tahay Labada Nidaam eek ala ah Head of Government iyo sidoo kale Hewad of State  waxaana sidoo kale waaxda Fulinta waxaa ay ka madax banaanaadaan laamaha Sharci dejinta.

Dastuurka federalka ee soomaaliya ayaaa waxaa uu sare uqaadayaa Xuquuqda Aadanaha, dhinaca sharciga, Qabka guud ee Qaanuunka Caalamiga, Cadaaladda ka qeybqaadashada wadatashiga dowlada, kala soocida awoodaha dowladda iyo daneynta muwaadiniinta soomaalida iyo waxyaabo kale oo badan.

Dastuurku waa heshiis bulhso oo qeexaya xiriirka muwaadinka iyo dawlada iyo qaabdhismeedka dawladeed waana sharciga ugu sareeya ee dalka kaasoo cadaynaya sida  loo soo saarayo qawaaniinta kale, loo dabaqayo, fulinayo.  Dastuurku waa muhiim, waxaana ahmiyadiisa xoojinaya 1- Inuu yahay saldhiga Sharciyadeed ee dawlada. 2- Inuu ka tarjumaya Hiigsiga,  Qiyamka iyo Ujeedooyinka Ummadeed. Iyo kuwo kale oo farabadan.

Dastuur waa shay ku cusub caalamka oo dhan. Dastuurka ugu da’da weyn waa  dastuurka mareykanka.

Waxaan ka soo wareegtay 223 sano xiligii dastuurkaas la hirgaliyay. Waa maxay Dastuu

Sidaa doontid u fasiro. Dastuurka ugu da’da weyn aduunka  waxaa la asaasay 1789. Waana kan mareykanka hada ka jira.

Taariiq ahaan marakaan eegno Sannadkii 1956, Maamulkii Talyaaniga ee Soomaaliya waxa uu ku dhaqaaqay diyaarin iyo abaabul doorashooyin guud ee siyaasad oo looga gol lahaa in Golihii degaanka (Territorial Council) loo beddelo Gole leh awood xeerdejin ee ka kooban 70 xubnood, soona xula xubno dawladda daakhili ah ee la qorsheeyey in la dhiso.

29kii Febraayo 1956, oo ahayd maalintii la qabtay doorashooyinka waxay ahayd maalin taariikhi ah waayo waxay ahayd maalintii ugu horraysay oo ee uu dadka soomaaliyeed u dareereen goobo codbixin sí ay u soo doortaan Golihii Xeerdejin ee ugu horreeyey ee heer qaran ahaa.

Doorashooyinkaas waxaa ku adkaaday xisbigii SYL oo ku guulaystay aqlabiyaddii kuraastii loo tartamay, ka dibna soo dhisay Xukuukaddii Daakhiliga(1) ahayd ee u horraysay ee uu hoggaaminayey Mudane Cabdullahi Ciise Maxamuud.

4tii ilaa 8dii Maarso 1959kii, waxaa soomaaliya lagu qabtay doorashooyinkii guud oo ay ka qaybgaleen rag iyo dumar ee dádoodu gaartay ama ka sarraysay 18 sano sí ay u soo doortaan Golihii Xeerdejinta ee isla markaana noqonaysay Golihii Dastuurka(3), ka dib markii lagu kaabo xubno kale.

Markaa ka dib, Guddiga Farsamadu wuxuu oggolaaday soona saaray faallo ballaaran ee ku saabsan nuqulkii drafka ahaa ee dastuurka oo koobnaa 141 Qodob.

Dadkii qoray Dastuurkii u horreeyey ee Soomaaliya waxa ay la kulmeen laba masaladood oo xasaasi ahaa:

* Qaabka dawladda dhalanaysay: Qaran Mid ah mase Federaal

* Xoraynta iyo midaynta dhulalka soomaaliyeed

Soomaaliya ayaa iminka waxaa doorasho ahaa loo sameeyaan nidaamka ah in Madaxweynaha marka hore lasoo doorto kadibna uu isaga soo magacaabo Reysal’wasaare kabibna Reysal’wasaaraha ayaa soo dhisa Golihiisa Wasiiradda.

Dal walba waxaa uu ku dhaqmaa nidaamka dastuurkiisa sida uu yahay waxaana sidoo kale soomaaliya ay waxbadan kagaga egtahay dastuurkeeda kuwo kale ee uyaala wadamada caalamka.

Dastuurka soomaaliya ayaa wali iminka waxaa uu yahay mid qabyo qoraal ah waxaana la filayaa in ladhameystiro dhawaan sida qorshaha uu yahay.

Waxaana uu soomaray marxalo kala duwan, waxaana Dastuurka Somaliya laga saaray qodobo qaar oo muran dhaliyay.

Madaxweynihii ugu horeeyay ee Soomaaliya wuxuu noqday Aadan Cabdulle Cusmaan ra’iisul wasaarihiisa neh wuxuu noqday Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo asiga neh noqonaayo madaxweyne 1967–1969).1961 soomaaliya waxaa laga hirgaliyay dastuurkii ugu horeeyay ee dalka, waxeyna sameyntiisa soo bilaabatay 1960ki.1964.

21 Octobetr, 1969kii Maj. General Maxamed Siyaad Barre iyo ciidamada qalabka sida waxay lawareegeen talada dalka, waxayna inqilaabeen xukuumaddii Ra’iisal-wasaare Maxamed Ibrahim Cigaal kadib dilkii madaxweynihii Qaranka Cabdirashiid Cali Sharmaarke 15 October, 1969 uu ku dilay mid kamid ah ilaaladiisi magaalada Laascaanood. 1 January, 1973 xukuumadda Milatterigu waxay ku dhawaaqday in afkii Soomaaliga laqoro. Bishii August, 1974 ugu yaraan 20,000 macalin Soomaali ah ayaa ka qaybgalay ololihii horumarinta reermiyiga. June, 1976 Xukuumaddi Milaterigu waxay abuurtay Xisbiga Hantiwadaaga Kacaanka Soomaaliyeed (XHKS). Wuxuu ahaa xisbiga kaliya ee loo ogalaa dalka.

Soomaaliya ama Jamhuuriyadda Soomaaliya waxaa hore loo oran jirey Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Soomaaliya xiligii kacaankii hore), waa wadan ku yaalla Geeska Afrika oo deris la ah Jabuuti,Itoobiya, Kiinya iyo Badweynta Hindiya Dhinaca bari (Indian Ocean), dhinaca Waqooyi Badda Cas, (Red Sea).

sidii utu u btilowday Dagaaladii Sokeeye 1991, Soomtaaliya ma lahayn dawlad dhexe oo wadanka oo dhan ka shaqaysa. Hadda waxaa Soomaaliya ka jira Dawlad federaal caalamkuna aqoonsanayahay hase yeeshee aan weli awood u helin in aty wada hanato maamulka dalka, Dhibaatooyinka dagaal iyo khilaafka joogtada ah ee hareeyey siyaasadda .

W/Q Hassan Ali Osman Istiila

Email [email protected]

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor