Warbixin “ Maalinta Nabada Aduunka “

Manta oo ay ku beegantahay 21 Septemper waxaa markii ugu horeeysay laga xusay Aduunka maalinta Nabada Caalamiga ee ( International Day of Peace) waxaana xiligaasi ay aheed sanadkii 1982.

Balse Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobe ayaa sanadkii 2013 u asteeyay in 21 September in waxbarasho lagu soo afjaro dagaalada  Sokeeye ee jira, isagoona raacayay xuska Maalinta Caalamiga ee Nabada.

Maalin talaado ah oo bisha September ay tahay 21 sanadkii 1982, ayaa waxaa la go’aamiyay in qof walba oo dunidaan ku nool uu xaq uleeyahay in uu ku noolaado Nabada.

Nabad galiyo darada dadweynuhu  ma doorto, laakiin waa masiibo ay cid abuurto, waana calaamad cabsi iyo farxda la,aaneed oo la darista nolosha dadweyne ku nool dal, cabsidaas oo saamaysa ciroole iyo caruurba.

Nabad galiyo waxaa lagu macnayn karaa dareen Cabsi la,aan ah, oo ay dadku ku joogi karaan dalka ay degan yihiin iyo jirtaanka sharci ilaaliya nafta iyo hantida dadka.

Nabad Galiyo La,aan waxaa lagu macnayn karaa jiritaan dareen cabsi ah, oo ay qabaan dadka ku nool wadan, iyaga oo u cabsada naftooda iyo maalkooda sharci daro jirta awgeed.

Intadan xususka maalinta Nabada Aduunka, waxaa looga hadlaa wadamada ay ka jiraan colaadaha sokeeya, siiba wadankeena hooyoee soomaaliya oo mudo ay ka socdeen dagaalo saameeyay kaabayaasha dhaqaalaha iyo dhinacyo badan.

Sanad walba waxaa dunida manta oo kale laga xusaa musaabadaasi, waxaana iskugu yimaada Madaxda kala duwan, waxaa sidoo kale si gaar ah loogu xusaa wadmo qaar siibada wadamada ay dagaalada ka jiraan.

Bulshada caalamka ee hurmaray ayaa aaminsan in Nabada lagu gaari karo hadii la helo sharci kala haga dadka kuwada nool hal gobo ama wadan

Sharcigu waa tixo qodobo ah oo la kulmiyey kuwaas oo ilaaliya danta guud iyo xuquuqda gaar ee dadka iyo dalka leeyihiin. Sharcigaas oo ay raali ka tahay bulshadu, una siman tahay.

Iyadoo Soomaaliya ay Nabad daro iyo Dowlad la’aan ka jireen ku dhowaad 25 Sano ee lasoo dhaafay ayaa waxaa wali sii muuqda Raadadkii ay hibaatooyinkaasi reebeen, kuwaasoo ay ugu horeeyaan dowladnimada, Nidaamka xiriirka Bulshada iyo dhinacyada dhaqaalaha.

Balse waqtiga dowladda xasan Shekh ay majaraha u heyso heykalka dowladnimo, ayaa waxaa soo muuday ififaalo yar oo dhinacyada Nabada iyo Dimuqraadiyada, markii ay aqoonsi rasimi ah ay ka heshay dowlada Mareykanka oo iyada aqoonsiga soomaaliya ku xirtay Nabada.

Waxaa sidoo kale dowladaan ay nasiib uyeelatay in ay soo celiso xiriirkii dowladaha dibada iyo in soomaaliya ay ka furtaan safaaradahooda, kadib markii ay sheegeen in Nabada Soomaaliya ay si tartiib tartiib ay usoo noqoneyso.

Dhinaca Isbedelka xukuumadaha iyo Nabada:

Dimoqaraadiyadda waa nidaam ay dadku ku doortaan hoggaamiyaashooda oo ay na dadku kula xisaabtamaan hoggaamiyaashooda sida ay shaqada iyo siyaasadda u wadaan.

Dadka ayaa go’aansada ciddii ku matali lahayd Dawladda ayaga oo kala dooranaya xisbiyo iyo shaqsiyaad ku tartamaya doorasho joogto ah oo xor iyo caddaalad ah.

Dimoqaraadiyadda waa nidaam ay dadweynuhu xor yihiin. Dadweynaha ayaa leh awoodda ugu badan ee siyaasadeed ee dalka.

Awoodda waxay ka timaataa dadka, madaxduna waxay awoodda hayaan wakhti go’an.

Sharci cusub waxaa la suubin karaa haddii baarlamaanka intiisa badan ay ogolaadaan.

Dadweynaha xor ayey u yihiin in ay daliilaan madaxda ay doorteen iyo sida ay shaqada u wadaan.

Madaxda la doortay waa in ay u dhaga furnaadaan dadweynaha oo ay dhageystaan codsiga, talooyinka iyo baahida dadka. Waxna ka qabtaan baahida dadka.

Doorashooyinka waa in ay u dhacaan sida joogtada ah oo uu sharcigu dhigayo. Madaxda ma kororsan karaan wakhtiga aga dhiman ka degista jagada ayaga oo aan mar labaad doorasho rabitaanka dadweynaha soo gelin.

Xisbiyada siyaasadda iyo musharaxiinta waxay xaq u leeyihiin in ay si xor ah ugu ololeeyaan in la doorto. Waxayna xaq u leeyihiin in ay qorshahooda soo bandhigaan ayagoo adeegsan kara warbaahinta.

Dhinaca Nabada iyo hogaaminta Sharciga:

Dimoqaraadiyaddu waa nimaad uu sharcigu ugu sarreeyo dalka ee shaqsiyaad uguma sarreeyaan dalka.

Dadka dhammaantood way u siman yihiin sharciga. Qofna laguma takoori karo diintiisa, qabiilkiisa, jinsiyaddiisa ama jaadka uu yahay (nin ama naag)

Qofna looma xiri karo ama looma tarxiili karo go’aan shaqsi daraadiis.

Haddii lagu xiro waxaad xaq u leedahay in aad ogaatid waxa lagugu eedeeyay, lagaana soo qaado in aad tahay dambi laawe illa ay maxkamad ay ku xukunto si sharciga waafaqsan.

Qof walba oo dambi lagu soo eedeeyay wuxuu xaq u leeyahay si dhakhso ah in la geeyo maxkamad caddaalad ah oo dadweynaha ka dhaxeysa. Muddada ay socoto maxkamadda waa in ay tahay muddo gaaban.

Qofna lama cansuuri karo ama laguma qaadi karo dambi ayada oo aan loo cuskanayn sharci horay u jiray.

Sharciga waxaa si caddaalad ah oo eexla’aan ah u fuliya maxkamado ka madax bannaan laamaha Dawladda.

Silic-dilka, ciqaabta naxariis darrada ah oo ka baxsan bini’aadanimada waa mamnuuc.

Awoodda Dawladda waxay leedahay xad oo waxaa xad u ah sharciga. Shaqsi ka tirsan Dawladda kuma xad gudbi karo xadka uu sharcigu dhigay.

Madaxda Dawladda, madaxweynaha ama xisbiyada siyaasadda midkoodna uma sheegi karo garsoore maxkamad sida uu go’aan aga gaari lahaa dacwad ama kiis.

Madaxda Dawladda iyo shaqaalaha Dawladda awooddooda uma adeegsan karaan si musuqmaasuq ku jirto. Maxkamado madax bannaan iyo guddi madax bannaan ayaa ciqaabaya musuqmaasuqqa ayagoo aan tixlegin siineyn cidda uu yahay qofka musuqmaasuqqa geystay xatta haddii uu yahay madaxweynaha.

Xuska maalinta Nabada Caalamka, ayaa waxaa laga xusay qaar kamid ah Gobolada dalka Sida Gobolka Bay, iyadoona sidoo kale ay xusaan soomaalida Qurba joogta ah ee dalka Dibadiisa ku nool.

Somaalida oo raadad wanaagsan ku lahaa Nabada, ayaa waxaa saameyay burburkii dalka.

W/Q Hassan Ali Osman Istiila

Email: [email protected]

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor