WARBIXIN: Lixdameeyo Suxufi oo lagu dilay Caalamka sannadkan

Lixdii bilood ee ugu horreysay sannadkan 2015 waxaa caalamka lagu dilay 60 Suxufi.

Machadka Calaamiga ee Badbaadinta Wararka “International News Safety Institute (INSI)” oo ay Xaruntiisa Dhexe ku taallo Caasimadda dalka Britain ee London ayaa sheegay in Muraasiliinta ama War-dirayaasha Suxufiyiinta si fudud loogu dilo shaqaooyinkooda.

Warbixinta Machadka INSI waxa uu sheegay in tiradda Suxufiyiinta la dilay lixdii bilood ee sannadkan gaarayaan 65 Suxufi.

8 KA MID AH Suxufiyiinta ayaa waxaa bilowgii sannadkan lagu dilay weerar lagu qaaday Xafiiska Majaladda Charlie Hebdo ee magaalladda Paris, kadib, markii ay Majaladaasi daabacday sawir-gacmeedyo ay ka caroodeen Muslimiinta.

Guddoomiyaha Machadka INSI, Richard Sambrook ayaa sheegay inuu sannadkan u muuqdo sannadkii ugu xumaa Suxufiyiinta.

“Suxufiyiinta maxaliga waxay khatar ugu jiraan cabsida ugu badan oo uga timaada baaritaanadda Dembiyadda iyo Musuqa.

Waddamada South Sudan iyo Yemen ayaa ah waddamadda dhiigga ugu badan ee Suxufiyiinta lagu daadiyey sannadkan, iyadoo lix weriye isku goob lagu dilay.

Dalalka Iraq iyo Libya ayaa ku soo xiga, iyadoo dal kasta lagu dilay shan Suxufi.

Waddanka Syria oo heerka koowaad kaga jiray dilalka Suxufiyiinta ee saddexdii sanno ee la soo dhaafay ayaa waxa uu haatan u muuqdaa inay hoos u dhaceen tiradda Suxufiyiinta la dilo.

Sannadkan dalkaasi waxaa lagu dilay labo Suxufi, iyadoo sannadkii horena la dilay 11-Suxufi.

Warbixinta Machadka INSI ayaa lagu sheegay kala bar Suxufiyiinta la dilay xilli nabadeed, iyadoo kooxihii dilalka geystay ku raaxeysanayaan falalkaasi.

Machadka waxa uu xaqiijiyey in shan kiis la caddeeyey kuwa lagu tuhunsan yahay ama la xiray.

SUXUFIYIIN 01 SUXUFIYIIN 03 SUXUFIYIIN 04 SUXUFIYIIN 05 SUXUFIYIIN 08 SUXUFIYIIN 09 SUXUFIYIIN 10 SUXUFIYIIN 11 SUXUFIYIIN 12

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor