(Warbixin):-Kadeedka Korneylkii Kabarka Qaad Kadalloobay!!!

Korneyl/Colonel waa mid ka mid ah Darajooyinka ay ciidamada gaaraan

Waa ku-dhawaad waqtiga la oogo salaadda Casir, xilliga caasimadda Somaliya ee Muqdisho, goobtu waa wadada mashquulka badan ee Maka Almukarrama, gawaari ayaa isaga gooshaya halkaasi waliba si xowli ah, kuna sii darso gaadiidka mas’ulliyiinta qaar si weydaarsan xeerka wadooyinka ayay ku socdaan.

Kabarka Qaadka  sida laga yaabo inaad ka warheyso waxa uu ku yaallaa gawga wadada, Dumar ayaana ka ganacsanaya. Mehrado maqaaxiyo iyo baarar ku jiraan ayaa ku teedsan  aagga, anigana waxaan ka mid ahay rag goobta ku shaahayay.

Jawi reyreyn iyo kala warqaadasho ah ayaa ka socda goobta aan fadhinno, rag u badan kuwo howshooda maalmeed ka soo baxay ayaa buuxiyay kuraas si meegaar ah loo dhigay, labo-labo ama ka badan ayey isula heleen jiibinta sheeko uu qofba mar soo gudbinayo, mararka qaar waxaa la isku soo qaadayaa kabashada magaalada,sida:- kororka ganacsiga, maalgshiga shisheeye, fursadaha shaqada, walow la isku waafaqayo ficil ‘Nin tooxsi ah’ inuu ku jiro hay’adaha shaqooyinka yabooha, dhinaca kale waxaa goobta camiray Koobabka dabo-dhuubyada ah ee uu ku jiro Shaah bigeys ama caddeys ah iyo noocyada cabitaanka fufud, kolkol dhallinyarada qaar ayaa isla wadaagaya hankooda yagleelidda guri iyo arrimaha ku xeeran qoyska, inkastoo doodaha iska soo horjeedana aysan meesha ka marneyn.

Marka ay halkaasi joogto,waxaa dhashay dareen baqdineed kaasoo keenay in koox kastaba ay amar la’aan hakiso sheekadeeda. Waxaa goobta soo gaaray oo kali-kali u istaagay dhallinyaro gashan isku joogga xoogga dalka misna gabran qoryaha darrandooriga u dhaca.

Waxa ay bilaabeen inay xakamayeen dhaqdhaqaaqa aagga, gawaarida iyo mooto-bajaajtana waa laga hakiyay isticmaalka qeybta wadadaasi.

Raggii shaahayay ayaa si nuxnux ah isu weydiiyay waxa dhacay kolkaas ayuu qof kasta iska dhaadhiciyay inay jiri karto halis xagga amniga ah, qaarna waxa ayba goosteen inay iska dhaqaajiyaan. Marka la kadeedanyahay oo la garan la’ayahay dhabta taagan ayaa dhawaaq ka soo baxay Kabar Qaadka lagu iibyo oo meesha ka dhawaa waaba Nin kadalooba oo xiran darajo uusan garan qof aan askari noqon ama uu dhuundaloolin howlaha ciidamada.

“Haa, Hebel” waxaa ku jawaabay mid ka mid ah ilaaladii na kala Irdheysay.

“Kaalay fiiri, kan ka waran?” ayuu yiri Korneylka aan magaciisa qariyay, oo la dhacsan xirmo caleenta lagu mirqaamo ah.

“Waa beello” ayuu ku warceliyay, geyfane askari.

“Haye na keena” ayuu durba yiri Korneylkii.

Dhaqdhaqaaqii xannibnaa dib ayuu u billowday, intii ka hartay raggii shaahayay ayaa halkoodii sheekada ka ambaqaaday,  laakin markan waxay u badatay Akhlaaq darrada Saraakiiisha iyo ciidamada qaar heysata.

Nin da’ ah ayaa sheekada inteeda badan la wareegay oo amaan kala dul dhacay ciidamadii xoogga Soomaaliya xilligii dowladdii dhexe,  waxa uu sheegay inuu ka xishoonayo in kuwa hadda shaqeeya qaar badan oo ka mid ah in uu ku sifeeyo Askar.

Nin kale ayaa isna waxa uu rajo-beel ka muujiyay guusha laga sugi karo, askari korneylkiisii dagaal gelin lahaa uu kabarka qaad fadhiyo bulshadana kadeedayo.

Inkastoo qof walba uu leeyahay balwad uu qabatimo sida Dul-dangiigidda Aaladaha Internet-ka laga daalacdo, ciyaaraha kala duwan, sigaarka iyo kuwo badan, hadana maandooriyaha lagu mirqaamo ee qaadka ayaa halis Amni, Dhaqaale iyo Bulsho la isku raacsanyahay inuu leeyahay.

Waxaa loo baahanyahay in dhaqanka noocaas ah laga gudbo si loo hanto himilada bulshada.

W/Q. Abubakar Mohamed Ali

Ra’yigaaga igula soo wadaag, Email  ([email protected])

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media