(Warbixin): laga soo bilaabay Jiilkii Lumay ilaa Jiilka Rajada: Qisada sida ay Teknoolajiyada u badbaadinayso Somalia

Sannad kasta, Shirweynaha Dhallinyaradda Adduunka waxa uu si wadajir ah isugu keenaa Dhallinyarada awooda leh ee ka kala yimaada Wershad kasta, qeyb kasta iyo dal kasta.

Shirkaasi waxaa loo qabtaa Wafuudan si ay uga doodaan, u qaabeeyaan, una wadaagaan Fikradaha Cusub ee lagu xalin karo Ajendayaasha cadaadiska leh ee soo wajahayo Caalamka.

Sannadkan, Shirweynaha Dhallinyaradda Adduunka waxa uu ka furmay Caasimadda dalka Columbia ee Bogata bishan October 4-dii.

Xubnaha Wafuudda Dhallinyarada ee qabsaday Shirweynaha waxa uu ahaa Cabdi Caddow oo ka yimid Somalia.

Mowduuciisa  waxa uu diirada ugu sarreysa ku saaray Saboolnimada, Abaaraha iyo Macluusha ka jirta dalka Somalia.

Cabdi Caddow oo ah Somali-Swedish  dhashay muddadii ay Dagaalladda Somalia ka socdeen Somalia. Waxa uu Khudbadiisa warbixin faahfaahsan kaga bixiyey sida Hal-abuurka Teknoolajiyada Cusub  taageero uga geysatay badbaadinta Nolosha ee gudaha Somalia.

Farriinta Cabdi Caddow ka soo jeediyey Shirweynihii Dhallinyarada Caalamka ee bilowgii bishan lagu qabtay Caasimadda dalka Columbia waxay noqotay mid ay Wareysiyo badan kala yeesheen Warbaahinadda Caalamka.

Tani waxay keentay in doodo ballaaran iyo wada-tashiyo la qabto oo ku aadan  Mowduuciisa, iyadoo inta badan Soomaaliya iyo Dalalka kale nuxurka Khudbadiisa la   isku dhaafsaday   Warbaahinta Bulshada, sida Facebook Twitter Youtube iwm.

NUXURKA QODDOBADDA UGU MUHIIMSAN KHUDBADIISA:-

Magacaygu waa Cabi Caddow. Waxaan ahay Swedish, balse Aniga kuma dhalanin gudaha Sweden.

Waxaan ku dhashay, kuna soo barbaaray Muqdisho, Somalia.

Muddadii lagu jira Dagaalkii Sokeeye , waxaan arkay dhimasho iyo burburinta gacanta 1-aad ee dad aad u da’ yar.

Waxaan noqday dadkii ku barakacay gudaha dalkayga hooyo. Iyo kuwa ila midka ah ee dhashay muddadii ay socdeen Dagaalladda Sokeeye, waxaa naloo yaqaan sidii Jiilkii Lumay “The Lost Generation”.

Waayo waxba ma aanan aqoonin, balse dagaal, burburin iyo  dal ay fowdo ka jirtay.

Markii uu dagaalkii sii socday, Aniga iyo in badan oo ka mid ah Saaxiibadayda ee xilligaas waxaan go’aansanay inaan ka tagno dalka oo aan aadno Dibedda.

Waxaan doonaynay Fursad Sharaf leh oo aan ku badbaadno iyo Fursad Mustaqbal Ammaan ah o oka fog Dagaalka iyo Burburinta..

Sidaa darteed, waxaan fahmay dhibaatada, baahida iyo cuddurada ee Khibradayda Shaqsi.

Markii ay Abaartu ku dhufatay Somalia bilowgii sannadkan, waxaan dareemay inaan wax sameeyo. Dhowr saaxiib iyo Aniga waxaan si wadajir ah u helnay Fikrad aan ku abaabulno Hawl aan ku taageeri karno dadka ku macluulsan Somalia,

#CaawiWalaal waa Samafal Aadminomo, wacyi-gelinta lagu kordhinayo Ololaha iyo in lagu sheego dhibaatada Abaaraha ee Bulshada Soomaalida.

Waxaa uu hadafku ahaa in la helo  Jawaab celin ka timaada Soomaalida iyo Bulshadda Caalamka.

Waxa kale oo uu ku xusay Khudbaddii uu ka jeediyey Shirweynihii Dhallinyarradda Adduunka ee bilowgii bishan lagu qabtay dalka Columbia inaysan Ololaha Taakuleynta ee Caawi Walaal iyo Abaaraha suurto-gal noqon lahaan lahayn haddii aysan jiri lahayn Helitaanka Teknoolajiyadda casriga ee aynu maanta haysano.

“Waxaad aragtaa  xitaa dalka ugu saboolsan Caalamka ee Somalia inay haystaan Teknoolajiyadda Mobayladda Horumarsan, xitaa Tuullooyinka fogfog ee Somalia waxaad ka heli kartaa Mobayl, ma laha Koronto, balse Mobaylada waa buuxaan” ayaa ka mid ahaa Khudbadii uu Cabdi Caddow ka jeediyey Shirkii Dhallinyarada ee ka dhacay Caasimadda dalka Columbia ee Bogata.

Waxa uu ku sii daray in loo baahan yahay inaan ka fekerno sida aan Teknoolajiyada Cusub ugu isticmaali karno dalalka Saboolka, gaar ahaan Hawlaha Samafalka iyo Horumarinta.

Waa ceeb iyo Sharaf-xumo haddii aan aragno carruur iyo Hooyooyin u dhimanayo cunto iyo biyo la’aan iyadoo dacallada kale ee Caalamka dadka ku nool yihiin wax badan.

Si kastaba ha ahaatee, inkastoo Khudbada Cabdi Caddow ay aad u dheereyd, haddana waxa uu Nuxurkeeda ku soo gebagebeeyey inay Teknoolajiyadda cusub kaalin ka qaadatay sidii Gargaar loogu ururin lahaa, loona gaarsiin lahaa dadka ku macluulsan gudaha Somalia.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media