(WARBIXIN): Haweeney Suuryaan oo sheegtay inay nafteeda iibin lahayd, balse waxa keliya oo la iibsanayo tahay Bikaarta !!!

Gabdhaha Qaxooti Suurya ee Bikaarta ah oo Dhibanayaal noqday.

Dadka iibiya gabdhaha Suurya ee ku sugan Xerooyinka Qaxootiga ee ku yaalla dalka Urdun waxay sare u qaadeen Codsiyadooda, waxayna u kala gudbaan Xero ka Xero, iyagoo baadi-goobaya Gabdho Bikaar ah.

Haweeney u dhalatay Suurya oo ku xanuunsan Xeradda Zaataari ee dalka Urdun ayaa sheegtay inay Gabdhaha Suuryaanka noqonayaan Dhibanayaal ku dhaca Gacanta Ragga badankooda ka soo kala jeeda dalalka Sacuudiga, Masar iyo Urdun.

Inkastoo ay caadi tahay  in gabdhaha Reer Suurya la guursado 18 sanno ka hor, waxay Barakaca ka dhigtay Guurka mid  loo qaaadayo Baahida Cusub.

Kiisaska khatarta ee Kufsiga iyo Afduubka waxay noqotay mid laga markhaati yahay gudaha Xerooyinka Qaxootiga Suurya, waxayna qoyasaka inta badan u arkaan tallaabo wanaagsan in gabdhahooda la guursado sida ugu dhaqsaha badan.

Si kastaba ha ahaaatee, inta badan guurka noocaasi waxa uu ku idlaadaa muddp dhowr bilood, ka hor intaysan raggaasi iska soo tuurin gabdhaha saboolka, iyagoo aan haysanin wax ay ku badbaadaan.

Amaani oo ah haweeney Suuryaan 22-jir ah waa Hooyo haysata 5 caruur ah oo uu aabahooda ku lumay dagaalladda ka socda dalkooda.

Sheekadeeda waxaa lagu soo daabacay the Inter Press Service, waana qiso aad looga argagaxo oo muujinaysa heerka cusub ee Dembiyadda maalin kasta qabsanayo Dhibanayaal badan oo ku nool Xeradda buux-dhaaftay ee Zaataari ee dalka Urdun.

Haweeneydaasi ayaa sheegtay inay walaasheeda ka iibisay Nin Sacuudiyaan ah oo bixiyey 300 Dollar si loogu taageero qoyskeeda.

Amaani waxay sheegtay inay 7 maalmood shaqeyso, ugu yaraan 10-saac maalin kasta, waxay la shaqeysaa Hay’ad NGO ah oo qaabilsan Daryeelka ilmaha yaryar ee ku sugan Xeradda.

Waxay sheegtay inay 3 Dollar ka hesho marka ay shaqeyso Isbuucii, iyadoo ay la nool yihiin hooyo xanuusan, aabe waayeel ah  iyo ilmo yar.

“Walaasheyda iga weyn iyo ninkeeda waxay weli haystaan dhamaan carruurtooda, Ilaah ayaa mahad leh, balse taasi waxay micnaheedu tahay in shan af oo dheeraad ah la quudiyo” ayey tiri Amani.

Waxay walaasheeda ka yar ee Camaara geysay inay ka shaqsyso isla Hay’adda NGO-ga, balse in la laban laabo Dakhliga noqotay mid aan ku filnayn in lagu daryeelo dhamaantooda.

Amani waxay sheegtay inay jirto hal dariiq oo si degdeg ah loogu heli karo Dhaqaale, iyadoo ay qoysas badan horey u qaadeen Amani ka hor, iyo in wanaagsan tahay in la iibiyo mid ka mid ah gabdhaha.

Camaara oo 14 jir ah ayey door biday inay iibiso, maadaama ay Bikro tahay.

“Waxaan arkay dad u kala dhashay dalalka Urdun, Masar iyo Sacuudiga ee Teendhooyinka Qaxootiga dhex marayo, iyagoo baadi-goobaya gabdho Bikaar ah oo ay doonayaan inay wataan” ayey tiri Amani.

Waxay intaasi ku dartay inay raggaasi bixiyaan 300 Dollar, waxayna helaan gabadha ay ku riyoodaan.

Amani waxay sheegtay inaysan haynin xulasho kale, iyadoo og inuusan meesha Jacayl jirin, balse ay og tahay inuu isaga daryeeli doono iyada.

“Waxaan iibin lahaa Naftayda, laakiin Camaara ayaa ah qofta keliya ee Bikraata ah ee qoyskeenna. Waa inaan iyada iibinaa, si ay arrintaasi u noqoto mid aynu ku badbaadno” ayey tiri Amani, oo intaasi ku dartay “Maxaa kale oo aan awoodaa?”.

 

Camaara waxaa guursaday Nin Sacuudiyaan oo indha-indheyn u soo galay Xeradooda Qaxootiga, wuxuuna Aabaheeda ka  codsaday gacanteeda.

Ninkaasi waxa uu arrintaasi ku dhaqaaqay, kadib, markii uu la kulmay Amani oo u sheegtay inay qoyskooda quus ka taagan yihiin dhinaca Dhaqaalaha iyo inay la joogto gabar yar oo aan weli la guursanin.

Amani waxa guurkaasi ka dhigtay mid ay kaga ammaan heshay dhibaatadii dhaqaale ee haystay Qoyskeeda, oo ugu yaraan ee in muddo ah.

Si kastaba ha ahaateem Xeradda Zaatari oo 10-KM dhanka Bari kaga toosan Degmadda Mafraq ee dalka Urdun waxaa markii ugu horreysay la furay bishii July 28-dii ee sannadkii 2012-kii si loogu marti geliyo Qaxootiga Suuryaanka ee ka so oqaxayo Dagaalladda ay Shisheeyaha taageeraan ee ka socda dalkooda hooyo.

Tiradda qaxootiga ku nool Xeradaasi waxaa lagu qiyaasay 144,000 oo Qaxooti ah, taasi oo Xerada ka dhigtay magaalladda Afaraad ee ugu weyn dalka Urdun.

Waxaa turjumay: Ahmed Hagi Ugaaska

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor