(Warbixin) Halkee ayuu ku dambeeyaa Shirkii xalinta Khilaafka Galmudug?

Iyada oo uu weli jiro khilaafka soo kala dhex galay Madaxda Galmudug ayaa dhawaan dowladda soomaaliya waxa ay ku dhawaaqday in 30-ka Bishaan Muqdisho loogu qabto shir lagu dhex dhexaadinayo labada garab ee iskhilaafsan.

Muhiimada shirkaas ayaa ahaa sidii xal looga gaari lahaa khilaafka ka soo dhex cusboonaaday Madaxda Galmudug,balse shirkaas oo balantu aheyd Arbacadii shalay uu baaqday.

Hayeeshee markii Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye u ku dhawaaqay shirkaas ayaa waxaa jawaab ka bixiyey,isla markaana gaashaanka u daruuray Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Madaxa Xukuumadda Galmudug Maxamed Sahakir Cali xasan.

Dhinaca kale 29-kii Bishaan War qoraal ah oo ka soo baxay Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey ayuu ku sheegay in shirkaas ay aqbaleyn isaga iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir,isla markaana ay ka qeyb galayaan.

Dowladda Soomaaliya weli wax war ah kama soo saarin baaqashada shirkaas maadaama dhinacyadii loogu baaqay dhinac ka mid ah ay shirkaasi qaadaceen,waxaana uu u muuqdaa shirkaas mid aan qabsoomi doonin.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa maalma ka hor sheegay in dowladda Soomaaliya ay faragelin ku heyso arrimaha galmudug,isaga oo ugu baaqay in ay faraha kala baxdo halka madaxweyne ku xigeenka uu isna sheegay in dowladda Soomaaliya aysan fagelin ku heyn Maamulka Galmudug.

Madaxweyne xaaf iyo Madaxa Xukuumadda Galmudug ayaa iminka waxa ay ku wada sugan yihiin Magalada dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug halka Madaxweyne ku xigeenka iyo guddoomiyaha Baarlamaanka ay iyana fariisin ka dhigteen Magalada Cadaado,welina ma muuqato arrin xal looga gaarayo khilaafka Galmudug.

Maamulka Galmudug ayaa intii uu jiray waxa uu ahaa mid uu hareeyey khilaaf joogta ah waxaan horay u fashilmay iskuday ku aadanaa in xilka looga tuuro Madaxweyne Xaaf,laakin waxaa lagu guuleystay in ay midoobaan Galmudug iyo Ahlusunna oo waligood uu khilaaf xooggan ka dhaxeeyey.

Gaba gabadii Madaxda Dowladda Soomaaliya ayaa laga warsugayaa jawaabta xigta maadaama shirkii lagu dhex dhexaadin lahaa madaxda Galmudug uu baaqday,isla markaana khilaafka uu weli yahay mid taagan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media