Warbixin: Duullimaadyadda Diyaaradaha Kenya iyo Somalia

Inkastoo ay Dhoofayaal badan ku xayiran yihiin magaalladda Nairobi, ayaa waxaa haddana jirta in Diyaarad Rakaab oo shalay ka ambabaxday Garoonka Aadan Cadde ee magaalladda Muqdisho shalay galab ka degatay Garoonka Calaamiga ee diyaaradaha ee Jomo Kenyatta International Airport ee magaalladda Nairobi.

Wargeyska The Star ee ka soo baxa Nairobi, ayaa qoray  in Shirkadaha Diyaaradaha ee ay saamaynta ku yeelatay ay ka mid yihiin Jubba Airways iyo East Africa Airways oo iyagu caadi ahaan uga dega Garoonka Wilson Airport ee magaalladda Nairobi.

Ilo wareedyo ayaa sheegay Wargeyska the Star  in Duullimaadyadda Shirkadda Jubba Airways weli si caadi ah u hawlgalaaan.

Sarkaal u hadlay Shirkadda The East African Express oo codsaday inaan magaciisa la adeegsanin ayaa sheegay in lagu khasbay inay joojiyaan dhamaan Duullimaadyadii u qorsheysnaa dabayaaqadda Toddobaadka.

Sarkaalka waxa uu intaasi ku daray inay Hay’adda maamusha Garoomadda diyaaradaha Kenya ee K.A.A. ay qoraal digniin ah soo gaarsiiyeen saqdii dhexe ee habeenkii Khamiista, inkastoo uusan amarka shaqeynin ilaa Jimcihii.

Waxa uu intaasi ku daray in Dhoofayaasha lagu khasbay inay raadsadaan goobo ay sii joogaan, kadib, markii la joojiyey dhaamaan Duullimnaadyaddii Shirkadda.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Kenya, Joseph Nkaissery iyo Labada shirkadood ayaan weli wax faahfaahin ah ka bixinin wararka sheegayo in la xayiray Diyaaradihii Rakaabka ee isaga kala gooshi jirey Somalia iyo Kenya.

Hay’adda Garoomadda Diyaaradaha ee Kenya ee maamusha Garoonka Jomo Kenyatta ee magaalladda Nairobi ayaa la sheegay inaysan weli ka hadlin xayiraadaasi.

Dhinaca kale, Ilo-wareedyo ayaa sheegay in Duullimaadyadda Nairobi ilaa Mogadishu sii socon doonaan, iyadoo ay Hay’adda Garoomadda diyaaradaha Kenya ee KAA bixisay amarkaasi.

@ Warqabadka Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor