(Warbixin): Duullimaadkii Diyaarad ku sii jeeday Nairobi oo lagu amray inay ku degto Wajeer.

Mas’uuliyiin aan ka tirsanayn Dowladda iyo Rakab caadi ah oo saakayto ka ambabaxday Garoonka Aadan Cadde, kuna sii jeeday magaalladda  ayaa waxaa lagu hakiyey Garoonka Wajeer, halkaasi oo ay ku xayirnaayeen muddo 2 saac ah, ka hor inta aan loo fasixin inay sii wataan  Duullimaadkooda Nairobi.

C/casiis Muuse Maaxaay oo ah Samafale caan ah oo ka mid ahaa Rakaabkii maanta la socday Duullimaadka Diyaaradda aan Tooska ahayn ee Nairobi waxa uu Bartiisa Facebook soo dhigay Muuqaal Video oo uu kaga hadlay dhibka ay kala kulmeen Duullimaadkaasi iyo muddadii loo xayiray Garoonka Wajeer.

Waxa uu tilmaamay in lagu khasbay inay Diyaaradda ku degto Garoonka Degmadda Wajeer.

Waxa uu Bartiisa Facebook soo dhigay sidatan:

 

Abdi Maaxaay was live.

2 hrs · 

 Waxaa nagula amerey in aan ku degano Wajeer

 C/casiis Maaxaay oo muddo 2-saacadood Toos ugu jiray Facebook, waxaa Warbixintiisa daawatay ama akhrisatay  8,215 Macaamil Facebook ah.

Dhinaca kale, sheegay mid ka mid ah Siyaasiyiinta madaxa-bannaan oo maanta ka mid ahaa Rakabkii la socday Diyaarad lagu khasbay inay ku soo degto Garoonka Diyaaradaha ee Degmadda Wajeer ee W/bari Kenya ayaa isweydiiyey waxa loo hakiyey Duullimaadkii Tooska ee Muqdisho ilaa Nairobi.

“Waxay iska ahayd Dhoolatus Siyaasadeed iyo Xeellad la doonayey in Xildhibaanadda BFS lagu marsiiyo inay ansixiyaan Xukuumadda cusub” ayuu yiri Siyaasigaasi oo la hadlay Radio Dalsan.

Ra’isul-wasaare Kheyre waxa uu Xildhibaanadda BFS ka hor sheegay bishii March 1-dii in la bilaabayo Duullimaadyadii Tooska ahaa ee Muqdisho iyo Nairobi ee la hakiyey 10-sanno ka hor.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo iyo dhigiisa Kenya waxay ku heshiiyeen in sida ugu dhaqsaha badan loo bilaabo Duullimaadkii Tooska ahaa, taasi oo loo arko Bandhig Siyaasadeed dadka lagu qaldayey.

Si kastaba ha ahaatee, haddii ay Dowladda Kenya ka dhabayso Joojinta Duullimaadkii Tooska ahaa, waxaa lama huraan ah inay Dowladda Federalka qaado Tallaabo Jawaab-celin ah, isla markaana la joojiyo dhamaan Diyaaradaha Rakaabka iyo kuwa Qaadka ee maalin kasta ka yimaada Kenya.

©Radio Dalsan